Wadaxaajoodka ka bixitaanka UK ee Midawga Yurub oo meel xasaasi ah maraya.

Waxaa meel xasaasi ah maraya wadahadaladii ka bixitaanka Britain ee midowgaYurub.

Britain iyo midowga Yurub ayaa waxay isku afgarteen in ay sii wadaan wadaxaajoodka taasi oo ah dadaal looga gol leeyahay in heshiis lagu gaadho.

Wadahadalada ayaa imika galay waxa lagu tilmaamay wajigii ugu dambeeyay.

Sargaalka midowga Yurub u qaabilsan wadaxaajoodka Michel Barnier iyo wasiirka dowladda Britain u qaabilsan ka bixitaanka UK ee modowga Yarub Dominic Raab oo kulan ku yeeshay Brussels ayaa waxa ay sheegeen in ay ka shaqaynayaan sidii heshiis loo gaadhi lahaa.

Mr Barnier ayaa sheegay in heshiis ku saabsan ka bixitaan Britain ee Yurub iyo xidhiidhka mustaqbalka ay yeelanayaan ay tahay in la gaadho bilowga bisha November, waa haddii la doonayo in UK ay Britain ka baxdo waqtigii loogu talagalay.

Sida uu qorshahu dhigayo Britain ayay tahay in Yurub ay ka baxdo bisha March ee sanadka soo socda.

Waxyaabaha la isku mari ‘la’yahay ayaa waxaa ka mid ah arrinta adage ee xudduuda Ireland.

Mr Barnier ayaa sheegay in heshiis waliba oo la gaadho ay tahay in uu xushmeeyo suuqa guud ee Yurub.

Mr Raab ayaa dhankiisa sheegay in go’aanada la xidhiidha tamarta iyo iskaashiga ay furo u yihiin in heshiis la gaadho.

Dominic Raab iyo Michel Barnier

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker