Shan Qof Oo Waraabe Ku Cunay Duleedka Magaalada Caynaba.

Caynaba-(OWN)-shan qof ayaa dhintay ka dib markii deegaano u dhaw magaaladda Caynaba uu ku cunay Waraabe, halka laba kalena ay dhaawacyo soo gaadheen. Dadka dhaawaca ah ayaa lagu Soo warramayaa in loola soo carayay cisbitaalka magaalada Burco.  Laba ka mid ah dadkan uu cunay Waraabuhu ayaa waxa uu habeen hore fiidkii ku cunay miyiga magaaladda Caynaba.

Dadka uu ilaa iminka dhaawaca iyo dhimashada soo gaadhsiiyay Waraabahaasi ayaa ah dad waaweyn, waxaana ay bilaabeen in ay iska caabin kala hor tagaan weerarka aan kala joogsi lahayn ee uu ku soo qaaday habar dugaagan loo badinayo in uu yahay Waraabe, in kasta oo ay dadku shaki ka muujinayaan in uu yahay Waraabe iyo in kale.

Cabsi xoog leh ayaa soo food saartay dadka Deegaanka, waxaanay qaarkood sheegeen in weerarkani uu yahay mid aan kala joogsi lahayn oo hadh iyo habeenba uu ku hayo Waraabahaasi.

Image result for waraabe

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker