Wasaaradda Maaliyadda oo Ka Hadashay Lataliyayaal La Sheegay In uu Magacaabay Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Hargaysa-(OWN)-Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka sheegaya in uu Wasiirka Wasaaradaasi Magacaabay La taliyeyaal.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda oo uu nuqul Ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta ayaa lagu yidhi “Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay qaranka ugu xil saaran tahay hagidda iyo maaraynta dhaqaalaha guud ee dalka. Hawshaasi waa mid u baahan karti aqooneed oo dheeraad ah.

 

Maalmihii u danbeeyay waxa baraha bulshada, mareegaha iyo wargaysyada qaarkood dhex socday in Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu magcawday la taliyayaal.

 

Wasaaraddu marnaba may magcaabin la taliyayaal maadaama oo la mamnuucay magcaabista la-taliyaal aanay daruuro keenin.

Waxay se wasaaraddu shaqooyin ku-meel-gaadh ah u dirtay khubaro laga faa’idaysanayo aqoontooda iyo khibradooda iyaga oo si mutadawacnimo ah uga qayb qaadanaya hawlgallada horumarineed ee ka socda wasaaradda.

Sidaa daraadeed, waxa ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu halkan ka caddaynaysaa in uu warkani yahay mid xaqiiqada ka fog oo aan sal iyo raad toonna lahayn.

 

Allaa Mahad Leh

Image result for wasiirka maaliyada
WASIIRKA WASAARADDA HORUMARINTA MAALIYADDA EE SOMALILAND

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker