Madaxweynaha Maraykanka oo ku goodiyay in Aanu Turkiga u tanaasulaynin.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku adkaystay in aanu dib uga laabanaynin is mariwaaga Turkiga kala dhexeeya ee salka ku haya baadariga Maraykanka ah ee xidhan.
“Waxay ila tahay waa arrin murugo leh waxa Turkigu samaynayo,” ayuu yidhi, wuxuuna sii raaciyay “waxay ila tahay waxay samaynayaan waa khalad aad u wayn. Wax tanaasul ahna ma jiri doono.”
Wuxuu sheegay in ay la ahayd in Turkigu uu sii dayn doono baadari Andrew Brunson ka dib markii Maraykanku uu gacan ka siiyay in Israa’iil ay sii dayso muwaadiniinta Turkida ah ee u xidhnayd.
Brunson ayaa diiday eedaymaha sheegaya in uu qayb ka ahaa afgambi ka dhan ahaa madaxweynaha Turkiga.
Trump ayaa canshuuro dul dhigay biraha iyo naxaasta uu Turkigu u dhoofiyo Maraykanka isaga oo arrintaas uga jawaabaya diidmada uu Recep Tayyip Erdogan uu diiday in uu sii daayo Brunson.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa meel iska dhigay walaaca laga qabo in muranka u dhaxeeya labadan dal ee ka wada tirsan gaashaan buurta Nato uu wax wayn u dhimo dhaqaalaha Yurub iyo dhaqaalaha suuqyada soo koraya.
“Wax walaac ah ma qabo, ayuu yidhi isaga oo xafiiskiisa Oval Office waraysi ku siinaya wakaaladda wararka ee Reuters. “Ma walaacsani. Waana mid wanaagsan in sidan la sameeyo, ayuu Trump yidhi.
Khilaafka labadan dal ayaa saamayn wayn ku yeeshay qiimaha lacagta Turkiga ee Lira madaxweynaha Turkiga oo arrintaas aad uga cadhooday ayaana sheegay in weerar lagu soo qaaday dalkiisa.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa yidhi: ”Wax farqi ah uma dhaxeeyo weerar lagu qaaday dhaqaalaheenna, caqiidadeenna iyo calankeenna. Ujeedka waa isku mid. Wuxuuna yahay in dalka iyo dadka Turkiga jilbaha dhulka loo dhigo, laguna qabsado afduub”