Xukuumadda Somaliland Oo U Jawaabtay Hanjabaadii Maamulka Puntland.
Wasaaradda gaashaandhigga Somaliland, ayaa war qoraala ka soo saartay baaqa colaadeed ee ay saa saareen guddida difaaca maamulka Puntland oo Axaddii shalay markale dagaal iclaamiyay.
Warka, waxaa lagu sheegay in Somaliland ay hore u aqbashay dhammaan go’aammadii urur goboleedka IGAD, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya, hase ahaatee ay taa beddelkeeda Puntland jebisay qodobadaasi.