Maxaa Ka Jira In Haweenay Dalka Denmark Lagu Gannaaxay Niqaab Ay Soo Xidhatay ?

Wakaaladda Wararka ee Ritzau oo  ayaa waxay baahisay in dad ku sugnaa goob ganacsi oo ku taalla Horsholm ay ciidammada Bileyska ku soo war galiyeen in haweenay Niqaab xidhani ay goobtaasi ku sugan tahay, intaasi kadibna waxa goobtaasi si degdeg ah usoo gaadhay ciidammada Bileyska waxaanay haweenay ka mid aheyd dadkii goobtaasi ku sugnaa isku dayday inay niqaamka ka saarto haweenaydaasi.

Ciidammada Bileyska ayaa haweenaydaasi niqaabneyd oo da’deeda lagu sheegay 28 jir waxay ku amreen inay niqaamkaasi bixiso amase ay goobtaasi ka baxdo, waxaanay gabadhaasi dooratay inay goobtii ka baxdo.

 

Ciidammada Bileyska ayaa sheegay in gannaaxa la saaray gabadhaasi uu yahay gannaax lacageed oo dhan 156 Dollar, dhawaan ayey aheyd markii Baarlamaanka Dalkaasi Uu Ansixiyay Gannaaxa dadka Niqaabka xidha amase wejiyadooda qariya.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker