Deg Deg :- Madaxweyne Cusub Oo Loo Magacaabay Dawllad Degaanka Somalida

Guddiga fulinta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Goordhow waxa ay Magacaabeen Madaxweyne Cusub dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya,ka dib kulan ay Maanta yeesheen.

Warar soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu is casilay sababo la xiriira rabshadaha khasaaraha egsytay ee ka dhacay magaalooyinka Waaweyn sida Jigjiga iyo Diridhaba.

Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay u Magcaabeen Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed(Ilkacase)

Dad badan oo siyaasada la socda ayaa waxa ay qabaan in xiisadii ka jirtay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay yareyn karto isbedelka Cusub ee lagu sameeya Hoggaankii ugu sareeyey.

Halkan Hoose Ka Daawo Muqaalka 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker