Deg Deg: Xaaladda Magaalada Jigjiga oo Kacsan Iyo Ciidamada Fadaraalka oo la wareegay Xarumaha Muhimka ah Ee Dawladda.

Jigjiga-(OWN)-Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga waxay sheegayaan in jahawareer weyn uu ka taagan yahay magaalada, ka dib markii bililiqo iyo boob ay ka billowdeen magaalada.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii saaka lagu waabariistay askar milateri ah oo xidhay baarlamaanka iyo xarumo kale oo DDSI ay leedahay.

Ciidankaas ayaa markii dambe lug ku soo maray waddada weyn ee halbowlaha u ah Jigjiga, waxayna iska hor yimaadeen dadkii magaalada oocadhaysan, kuwaas oo budhadh iyo dhagxaan ku bilaabay.

Goobjoogeyaal ayaa  sheegay in askartu ay kala carartay, rabshadihii markaa ka dib billowdayna ay magaalada oo dhan ku fideen.

Waxay kaloo goob joogayaashaas sheegeen in la bartilmaameedsaday hantida dadka aan Soomaalida ahayn ee Jigjiga ku nool, kuwaasoo naftooda la baxsaday.

Boqolaal qof ayaa la sheegay in ay dhaawacyo ka soo gaadheen boobka iyo rabshadaha ka socda Jigjiga, laakinse lama soo sheegin dhimasho.

Dhismayaal iyo hanti gubanaysa ayaa la soo sheegay.

Madaxweynaha DDSI Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegay inuu ku sugan xarun ay ciidanka Liyuu Boolisku leeyihiin.

Halkan ka daawo qaar ka mid ah sawirrada

Jahawareer ka taagan Magaalada Jigjiga
Jahawareer ka taagan Magaalada Jigjiga
Koox dhallinyaro ah oo gaari saaran
Koox dhallinyaro ah oo gaadhi saaran
Dad saaran guryo dushood
Dad saaran guryo dushood
Dad waddo dhooban

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker