Nuxurka War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya uga socday Garoowe :Akhriso:

 

Garoowe-(OWN)-Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah iyo Wasiirrada dowlad gobaleedka Puntland oo uu shir-gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Puntland ee Garowe.

Shirka ayaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin; xoojinta midnimada, wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland iyo qodobo kale, waxaana lagu heshiiyay:

1- Waxaa la bogaadiyay wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland, waxaana la soo jeediyay talooyin ku aaddan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dhinac

2- Waxaa la isku afgartay in la baahiyo hannaanka afarta tubood (1- Tubta siyaasadda loo dhanyahay 2- Tubta amniga iyo caddaaladda 3- Tubta dhaqaalaha iyo 4- Tubta Arrimaha bulshada) oo ah hannaan ay xukuumadda federaalku ku shaqeyso si loo dardargeliyo dib u dhiska dalka.

3- Dardargelinta daadejinta nidaamka Federaalka iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo heshiisyada qaybsiga awoodaha iyo kheyraadka.

4- In si wadajir ah loo ilaaliyo midnimada dalka.

5- Golaha wasiiradu waxa ay aqbaleen in ay ka qayb qaataan dabbaaldegga munaasabadda 20 sano guurada ka soo wareegtay aasaaska Puntland oo la qaban doono 3da bisha Agoosto 2018.

6- Ra’iisalwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda dawlad gobaleedka Puntland soo dhawaynta hufan ee loo sameeyay.

Sawirada Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Iyo kuwa Maamul Goboleedka Puntland

WARARKII UDANBEEYAY EE SOOMAALIDA IYO CAALAMKABA KALA SOCO SHABAKADDA WARBAAHINTA (OODWAYNE NEWS.COM)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker