Madaxwaynihii Hore Ee Puntland Senator Faroole oo ku baaqay in la-dadajiyo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Garoowe-(OWN)-Senator Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka mid ah golaha aqalka sare ee Soomaaliya Horena u ahaa Madaxwaynihii Maamul Goboleedka Puntlan ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya K adalbaday in la-dadaijiyo wada-hadallada Soomaaliland, kaddib kulan gaar ah oo magaalada Garoowe uu kula qaatay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Puntland.
“Waxaan kulanay oo gurigayga iigu yimid ra’iisal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo aan ka wada-hadalnay arrimo caam ah oo ku saabsan dowlad-nimada Soomaaliya…waxaan ka wada-hadalnay in la dedejiyo wada-hadallada Soomaaliland oo lala hadlo oo waxay tabannayaan la maqlo oo ajande aan qarsooneyn dhinac kaga jirin.” ayuu yidhi Senator Faroole oo warbaahinta la hadlay Arbacadii , markii uu soo dhammaaday kulanka uu la qaatay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Gabgabadii, wuxuu sheegay madaxweynihii hore ee dowlad-gobolleedka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole in kulanka lugu muujiyay sida ay lagama -maarmaan u tahay in meel looga soo wada-jeesto cid walba oo dhibaata ku heysa midnimada Soomaaliya.




