Madaxwaynaha Somaliland oo amar ku bixiyay in la baadho Qaraxii Buuhoodle Tacsina udiray Ehelada Dadkii Ku Waxyeeloobay.
Hargaysa:- (OWN) Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi AYaa Lagaga hadlay Qaraxii Ka Dhacay Xalay ka dhacay Magaalada Buuhoodle Waxaanu udhignaa Sidan………………………………
TACSI MADAXWEYNE: 02/08/2018
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, shacbiga gobolka Buuhoodle, iyo dhamaan shacbi weynaha reer Somaliland, gaar ahaan qoysaska, ehellada, qaraabada, asxaabta ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay Magaalo madaxda gobolka Buuhoodle ee ay ku naf waayeen muwaadiniin reer Somaliland ah.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiinta ku geeriyooday qaraxaasi Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna Alle caafimaad taama ka siiyo kana dulqaado dhibta iyo xanuunka soo gaadhay.
Madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku adkeeyey inay baadhitaan buuxa ku sameeyaan siday wax u dhaceen, gacantana ku soo dhigaan ciddii ka danbaysay falkaasi argagaxa ku abuuray bulshada gobolka Buuhoodle iyo dalkaba.
Xukuumadda Somaliland, marnaba ma aqbalayso, umana dul-qaadan doonto cid kasta oo isku dayda waxyeello, dhibaato iyo falal amni-darro ah inay ku qaaddo shacbiga iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.





