Weriyayaal Madax bannaan ooLagu Xidhay Magaalada Ceel-afweyn

Ceerigaabo(OWN) Waxa gelinkii hore ee maanta gudaha magaalada Ceel-afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag lagu xidhay Saddex Weriye oo ka kala hawlgala Warbaahinta Bulsho TV, Saab TV iyo Star TV kuwaasoo ciidammada boliisku ku xidheen Saldhigga boliiska ee magaaladaasi.

Waxana fiidnimadii caawa ciidammadu sii daayeen Maxamuud Cabdi Barre oo ah Weriyaha Bulsho TV halkaas uga hawlgala halka ay weli xidhan yihiin weriyayaasha kala ee kala ah Siddiiq Maxamed Eeraan (Weriyaha Saab Tv) iyo Axmed Mursal Askar (Weriyaha Star TV).

Weriyayaashan ayaa sida lasheegay loo haystaa inay duubeen warar laxidhiidha arrimihii nabadaynta ee halkaaas kasocdey oo ay dhinacyo kala gaar ah ka duubeen, haseyeeshee ilaa hadda majiro war dhinaca xukuumadda kasoo baxay oo laxidhiidha xadhigga weriyayaashan.

 

oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker