Cajiib! Iyo yaab! Jeneraal Xiirane oo noqday taliyaha badda. By Amir Bidde
Waxa arrin lalayaabo ah in madaxwayne Biixi u magacaabay taliyaha ciidanka badda sarreeyo guuto Xiirane. Ninkan oo jagadan hore u hayn jiray hase yeeshee bishii abril 2016 u madaxwayne Siilaanyo ka eryey shaqada kadib markii uu ku kacay khaayinimo qaran oo masuuliyaddii lagu aaminay u siistay shilimaad. Waxay xukuumaddii hore soo bandhigtay khaayiinimadii u ku kacay isaga iyo wasiirkii hore ee isgaadhsiinta mudane Abgaal. Waxay sameeyeen in iyadoo qaranku ogayn heshiis la galeen Somalia. In Somalia keentu dalkeena kabelka internetka, iyadoo laga soo jiidayo Puntland. Maaha heshiis kaliya ee waxa lagu dhaqaaqay fulintiisii. Waxayna xukuumaddu ka warheshay markuu markabkii dhigayay xadhkuhu uu u soo muuqdo Berbera. Madaxwayne Siilaanyo oo la yidhi habeenkii loo soo sheegay xanaaq buu furka tuuray oo lug ayuu kaga baxay madaxtooyada isagoo kelidii ah. Wuxuu isla saqdii dhexe u yeedhay labada masuul shaqadiina ka eryey u balan qaadayna inuu maxkamadayn doono, masuuliyad dambena dib loogu aamini doonin. Maxkamadayntii ma dhicin, xoolihi ay ku qaadeeteen khaayinimadan ay sameeyeenna cidi kama daba tegin. Waxaa la sheegaa inay Somalia iyo shirkadaheeda isgaadhsiinta ka qaateen boqolaal kun oo dollar. Dalkaaga waddan cadow u ah looma soo mariyo isgaadhsiinta. Ka fikir haddii berigii hirgeli lahayd maanta soo Puntland internetka innagama xidheen (dagaalka Tukeraq dartii). Waxa horumarkii umadda iyo qaranimadii kharibay waa qabyaalad oo ninkii khaayinimo qaran ku kacana aan lagu dhici karayn qabiil dartii.
Waxa Soomaalida curyaamiyay waa 4tii oday ilaa lixdankii xilka soo hayay uumbay masuuliyadda ku dul warwareegayaan.
Haddii taliyihii imiku xilka gudan kari waayay maa fursad la siiyo nimanka ka hooseeya iyo dhallinta saraakiisha sare ah, maa iyaga la dallacsiiyo oo mid ka mida xukunka loo dhiibo. Mar walba ma oday xunoo musuqa oo hore shaqada looga eryay xil-gudasho-karin la’aan ayuun baa haddana dib loo magacaabi. Odayga musuqa ah markuu soo noqdo soo kalsooni muu helin oo isma odhanayo lagaamaba maarmi karo. Oo wax kasta oo ciidanka iyo qaranka wax yeelaya oo isaga dan shaqsiyeed ugu jirto ku dhaqaaqi maayo?
Waxa sidan oo kale ahaa jeneraal Nuux markuu madaxwayne Siilaanyo xilka ka qaaday wuxuu ku soo celiyey muddo dabadeed. Taliyhii booliska ee horena sidoo kale. Waxa la mid ah ka asluubta taliye Xudhuun. Waynu aragnaa siyaasiinta (wasiirada) oo iyagoo dalka cunay haddana soo noqnoqda. Mana aha dhaqankan xuni mid ku kooban Somaliland ee waa mid Soomaalida oo dhammi leedahay. Somalia weli ciidamada waxa loo magacaabaa jeneraaladii Siyaad Barre ee ka qayb qaatay dumintii Somalia iyo dhiiggii shacabka soomaaliyeed ee la xaalashaday. Xataa jabhadda ONLF markii Itoobiya sharciyayasay ee loo aqoonsaday urur siyaasadeed waxay hoggaamiye u doorteen jeneraalkii ciidankii badda ee Siyaad barre oo ka mid ahaa raggii masuulka ka ahaa baabiintii Somalia iyo xasuuqyadii dhacay, isagoo imika duq ah. Bal maxaa u diiday inay dhallinyar la jaanqaadi karta isbedelka mandiqadda oo maskax furan doortaan.
Waxa la is lahaa madaxwayne Biixi wuu ka baydhay habkan dib u socodka ah, ka dib markii loo riyaaqay habka fiican ee u soo xushay wasiiradiisa badankooda (rag aan hore ugu jirin siyaasaddan ma dhalayska ah oo aqoon iyo kartiba leh)
Hase yeeshee dib u magacaabista taliyahan badda ayaa ah wax lala yaabo noqotay.
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde Nuur
ayanle_60@hotmail.com



