Madaxweynayaasha Dalalka DJibouti iyo Kenya oo lagu wado inay booqasho ku tagaan dalka Eritrea.

 

Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in ay dhawaan booqasho ku tagaan caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa la sheegayaa in uu ku horeynaayo booqashada Asmara, waxaana xigi doona Madaxweynaha Kenya oo isna tagay.

Safaarada madaxda ku jira Urur Goboleedka IGAD ee Asmara ayaa u muuqda kuwa isku xig xiga, waxaa markii ugu horeysay booqday Ra’isal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, waxaa ku xigay Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay ka soo laabtay kadib booqasho saddex cisho qaadatay.

Eritrea ayaa u muuqata in ay hadda ku dadaaleyso sidii ay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dalalka deriska ah u soo celin lahayd,waxaana xusid mudan in dhawaan si kedis ah uu ku dhamaaday dagaalkii 20-ka sano u dhaxeeyay Eritrea iyo Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker