Raiisal Wasaaraha Somaliya Oo Maanta Gaadhay Magaalada Garoowe Ee Maamulka Puntland

Garoowe(OWN)- Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo raโ€™iisul wasaaraha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Khayre ayaa goor dhoweyd soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe.

 

Raโ€™iisul wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir Hamaan ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay,madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) masโ€™uuliyiin ka tirsan labada gole ee Baarlamanka iyo xukuumadda Puntland,saraakiil ka socotay madaxtooyada,xubno matelayay bulshada rayid ah ee Puntland,siyaasiyiin,waxgarad,ganacsato iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

 

Wefdiga raโ€™iisul wasaare Khayre oo ka kooban xubno ka tirsan xukuumaddiisa,qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya,saraakiil sare oo ka socda Villa Soomaaliya,xubno kamid ah ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed iyo masโ€™uuliyiin kale ayaa haatan loo gelbiyay dhinaca barxadda weyn ee Garoowe oo la ciir-ciiraysa kumanaan shacab ah ,waxaana la filaya in ay wax yar kadib saxaafadda si wadajir ah ula hadlaan raโ€™iisul wasaare Khayre iyo madaxweyne Gaas .

Socdaalkaan oo noqonaya kii ugu horreeyay ee raโ€™iisul wasaare Xassan Khayre ku yimaado degaannada Puntland tan iyo intii loo magacaabay xilkaan ayaa sida warar ku sheegayan ku qotoma u kuurgalka xaaladaha ka jira Puntland iyo sidoo kale ka qeybgalka sannad-guurada 20 aad eek a soo wareegtay asโ€™aaskii dowladda Puntland sannadkii 1998.

 

Sidoo kale wararka ku xeeran safarka raโ€™iisul wasaaraha ayaa sheegaya in uu dhagax-dhigidoono deked cusub oo laga hirgelinayo degaanka Garacad ee gobolka Mudug,halkaasoo maalintii shalay ahayd la geeyay ciidamo xooggan oo horudhac u ah socdaalka raโ€™iisul wasaaruhu ku tegayo degaankaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker