Maayirka Burco oo iska horyimid by Ayanle Amir

Maayirka Burco wuxuu waqtigii Siilaanyo ku soo caanbaxay muran badan oo ka taagnaa golaha degaanka ee degmada Burco. Waxay iska horyimaadeen oo meel xun arrintoodu gaadhay (baastooladu iyo dil la isku haddiday) xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka. Waxa lagu eedaynayay musuq u xalaashaday hantida dadwaynaha iyo qabyaalad u dhex dhigay golaha. Wuxuu u qaybiyey bulshadii iyo golihiiba bari iyo galbeedka Burco. Golaha oo dhowr jeer isku dayay inay xilka ka qaadaan waxa horjoogsaday oo meel ay ka maraan waayeen wasiiradii madaxtooyada ee awoodda badnaa iyo wasaaraddii arrimaha gudaha ee xukuumaddii Siilaanyo oo xoggooda saaray inaan laga qaadin maayirka meesha. Ka fikir faragelintii qaawanayd ee wasiir Cali Mareexaan.  Haddaba inta xukuumaddan cusubi majaraha qabatay wuxuu maayir Muraad isku beddelay uu noqday suldaan jahawareersan oo maalinba video iska soo duubaya isagoo madaxwaynaha toos u abbaaraya. Hadda waa ninkii xilka lookalka ah hayay, shaqadiisa iyo waxa siyaasad ka khusaysaana ku egtahay degmada Burco. Wax aad loola yaabay videyowgii u dambeeyey ee uu iska duubay oo uu is beeninayo; wuxuu sheegay in Burco dawladihii u dambeeyey xag dhaqaale duudsiyeen, isla markaana si qayru caadi ah uga sheekaynayaa horumarka Burco la gaadhsiiyey iyo mashaariicda tirada badan ee laga fuliyey. Bal waa yaabe mashaariicda ma isagaa jeebkiisa ka bixiyey?
Maayir Muraad markuu hadlayo uma hadlo sidii nin siyaasi ah ee sidii oday koofiyad bacle ah buu u hadlaa. Hab ka baxsan anshaxa dawladnimo iyo masuul qaran ayuu u hadlaa. Ninka siyaasiga ihi waa inuu sumcaddiisa iyo ta xilka qaran ee uu hayo  dhowraa waa inuu erayadiisa miisaamaa. Maaha inuu u hadlo sidii fadhi ku dirirka majlisyada qaadka. Waa in ciddii ay khusaysaa (sida golaha deegaanka, W. Arrimaha gudaha iwm) ay anshax mariyaan maayirada xadkooda si ka baxsan u hadlaya. Dadka qaar haddii caqligoodu celin waayo waa in sharci lagu dabbaalaa.
Wa Billahi tawfiiq
Ayanle Amir

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker