Dhalinyaro Somali ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Cape town,(OWN)- Wararka ka imanaya dalka Koonfur Afrika ayaa  sheegaya  in 24-kii saacadood  ee la soo dhaafay lagu dilay 2 wiil oo Soomaali ah shan kalena lagu dhaawacay.

 

Ismaaciil Cabdi Macoow iyo Cali Maxamuud Cadoow oo ahaa Soomaalidii ugu dambeysay ee la dilo waxaa lagu dilay hal xaafad oo ka mid ah Magaalada Cape town, dilkooda ayaa kala horeeyay Saacado.

Ciidamada Booliska oo baadhitaano sameeyay dilalka kadib wali ma jiro shaqsiyaad ay soo bandhigeen in ay ka dambeeyeen ama ay ku lug leeyihiin kiisaskaan.

 

Qof ka mid ah Dadka Soomaalida ee ku nool Koofur Afrika ayaa sheegay in Bishan July ay ugu badan tahay beegsiga lagu haayo, marka lala barbar dhigo bilihii bilawga Sanadkaan.

 

Waxa uuna sheegay in ay ku beertay walwal ay ka qabaan in ay sii kordhaan Beegsiga ay kala kulmayaan Kooxaha Burcad Koofur Afrika oo kolkii hore weerarada badankood geysan jiray bilaha dhamaaadka sanadka oo xiligaas loo diyaar garoobayo u dukaameysiga Xiliga Kirismiska.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker