Colaadda Ceelafweyn Waa Mashruuc Ay Wataan Maxamed Kaahin Iyo Muuse Biixi Runtu Waa Sidaas. W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi

Anigu waxaan u arkaa colaadda Ceelafweyn inay tahay mashruuc ay xukuumaddu wadato oo inuu ka dhammaado aanay diyaar u ahayn.
Sababtuna waxa weeye Sanaag jabhad uu Caarre wato oo ciidanka ka goosatay oo reer ah baa joogta, jabhad kale oo qabiil ah oo Caarre ka soo hor jeedda ayaa iyaduna joogta.
Labadaas jabhadood iyagoo Gobolka jooga ayey labada Suldaan saxaafadda ka sheegeen in la kala diray ciidan beeleedyadii, laakiin la inooma sheeggin meesha loo diray ee  ay qabteen hubkii iyo gaadiidkii halka la geeyey iyo sida la yidhitoonna.
Wasaaradda Arrimaha Gudahu daacad Kama aha arrinkan hadday daacad ka tahay waxay ina tusi lahayd meesha jabhadahaasi ku danbeeyeen iyaga iyo hubkoodii.
Shalay waxaan saxaafadda ku arkayey 6-wasiir Badhasaabka Sanaag iyo Ciidan tiro badan oo inagu yidhi waxaannu kormeernay goobihii ciidan beeleedyadu fadhiyi jireen annagoo hubinnay inay ka tageen iyo in kale. Laakiin marnaba maynaan maqal ciidan beeleedkani guuray ee la raray meesha uu degay iyo macnaha hubka dhigis loogu samayn waayey.
Taariikhda Soomaalilaan waligeed kamay dhicin meel Jabhadi joogto oo hub iyo ciidan la la joogto in odayaal warmooga Hargeysa iyo Saylac looga uruuriyo oo la yidhaahdo heshiisiiya, jabhaddiina waannu kala dirnaye.
Midda kale Jabhad miyaa la kala diraa mise waa la la dagaalamaa ama waa la qarameeyaa? Xaggee lagu arkay nin jabhad ah oo Tikniko wata, oo ciidan wata oo la ogyahay meesha uu joogo in Shir nabadeed lagu dul qabsado.
Colaadda Ceelafweyn waa mashruuc uu raalli ka yahay Muuse Biixi, uu raalli ka yahay Maxamed Kaahin mana istaagayso inta sida ay wax u wadaan.
W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker