Madaxwayne Farmaajo Ayaa Hambalyeeyay Bogaadiyayna Bandhigga Buugaagta Ee Hargaysa Ka Socda.
Muqdisho-(OWN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray qaban-qaabiyaasha bandhigga buugaagta ee magaalada Hargeysa oo maalinkii Afraad ka socota isla magaalada Hargeysa.
Mudane Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxaa uu si gaar ah hambalyo ugu diray wakiilka Somaliland ee dalka Ingiriiska Marwo Ayaan Maxamed iyo Jaamac Muuse Jaamac oo ah qaban-qaabiyaasha carwada.
“Waxaan bogaadinayaa qabanqaabiyeyaasha, bahda suugaanta iyo qalin-maalka ka qayb-qaadanaya bandhigga buugaagta ee Hargeysa. Dadka soomaaliyeed waxay leeyihiin Af, Dhaqan iyo Suugaan hodan ah oo ay tahay inaan ilaashanno. Hambalyo Jaamac Muuse Jaamac iyo Ayaan Maxamed” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo. Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan


