DANYARTA OO LA MARIN HABAABINAYO SI AANAY U OGAAN RUBUCRAABICA JAALLE FARMAAJO LAGA SOO QAADAY …
Wararka kasoo baxaya qoladii gudoomiye Faysal Cali waraabe iyo Prof. Cali Khaliif galaydh ka hor tagtay si maxsuulkii Jaalle Farmaajo laga soo qaaday loogu kala jaro Dubai ayaa sheegay inay bilabeen marin habaabin loogu talo galay Danyarta si looga sii jeediyo wixii Jaalle Farmaajo laga soo qaday ..
Waxay sheegayaan in la leeyhay waxa la furayaa xafiis tijaari ah Muwaadin xafiiska tijaariga ihi weligii buu jiray wax safarad ah ooy Somaliland ku lahayd UAE ma jirin warkii uu sheegayey Wasiir Qarqaash ayaa saxa Xafiiskaa Tijaariga ah uun bay Somaliland ku lahayd meesha anana aanu ka dhigi jirnay safaarad Mr. Baashe Cawil na safiir .
Iminka markii dhaqaalaha Dubai xumaaday waa laga yabaa inay xafiis fiican lacag jaban ku heleen lakiin wax kale ma jiraan .
Waraaqdan hoos ku xusan safiir Baashe cawil ayaa qoray dadka Somaliland ee UAE ku nool ayuu ku dejinayey beri u xidhiidhka Somalia iyo UAE aad u xumaaday ooy lacag xataa lakala dhacay , waraaqda waxa ku cad in meeshu xafiis tijaari ah tahay .
Maanta beenta loo dabaal degayaa qiiq lagu kicnayo Danyarta weeye weliba waxaydun sugtaan balanqaadyadii Mr. Ina Cali shire la shir iman jiray waar soo kama daalo oo doorkii ugu dambeeyey beenta Macaali Wasiir Salebaan Cali Koore ayaa ka dul akhriyey Danyarta doorkan yaa ka dul akhriyi doona ma Professor Cali Khaliif Galaydh .

jooqleodawaa@gmail.com



