Ergeyga Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya Oo Maanta Gaadhay Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo(OWN)- Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaa maanta gaaday Wakiilka Qaramada Midoobay arrimaha Somaliya Michael Keating oo ay la socdaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya.

 

Safarka Keating ee Magaalada Gaalkacyo, waxaa ku wehlinaayo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed & Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo waxaa masuuliyiintaan ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Ujeedada ugu way nee tagitaankooda Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay arrimo la xidhiidha  kormeerida ammaanka Magaalada Gaalkacyo iyo ciidankii isku dhafka ahaa ee Magaalada loo sameeyay habka ay u shaqeeyaan.

 

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliya Keating iyo Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa kormeer ugu dhaqaaqi doona Magaalada gudaheeda, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda Magaalada Gaalkacyo.

 

Ciidamo isku dhaf ayaa ka shaqeeya ammaanka Magaalada Gaalkacyo, taasi oo ay diyaarisay dowladda Federalka Somaliya, kadib dagaalo kala duwan oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker