Dawlad Carbeed Oo $ 1 Bilyan & 150 Milyan Ku Soo Furatay Muwaadiniin Laga Afduubay, Iyagoo Shimbiro Ugaadhsanaya

Subaxnimadii 16-kii bishii Disembar sannadkii 2015-kii qoyska ka arrimiyo dalka Qatar waxay heleen war aan lagu farxin, 28 xubnood oo kamid ah qoyska oo falal ugaadhsi waday ayaa lagu afduubtay gudaha dalka Ciraaq.

Magacyada dadka laga afduubtay Qatar waxaa loo geeyay Maxamed bin Cabdulraxmaan Al-Thani oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda Qatar, wuxuuna ogaaday in dadka la afduubtay ay kamid yihiin 2 qof oo qaraabadiisa ah.

Wuxuu markiiba farriin qoraal ah kula xidhiidhay safiirka Qatar u fadhiya dalka Ciraaq oo u wax ka weydiiyay dhacdada lagu afduubtay 28-da qof ee dalka Qatar u dhashay.

Qatar waxay madax furasho u bixinaysaa lacago balaayin ah sii loo soo daayo shakhsiyaadka qoyska ka tirsan ee Ciraaq lagu afduubtay, balse lacagtan ayaa laga yaabaa inay ku dhici karto gacanta kooxa Mareykanka uu ku tilmaamay argagixiso.

Marka si kale loo eego, Qatar ma hayso lacago ay gacanta ku dhigaan kooxo argagixiso ah balse waxay ku wareejin doontaa dowladda Ciraaq si loo soo daayo ragga afduuban.

Marka arrimahaasi laga soo tego, lacagata ay ku soo furanayso Qatar raggan waxay ku dirtay bangiga dhexe ee dalka Ciraaq halkaas oo weli lacagta ay taallo, inkastoo aanan war laga haynin goobta lagu haysto raggan.

Wasiirka arrimaha dibedda Qatar iyo safiirka ayaa farriimo iyo cod is weedaarsanaya sii loo sameeyo wada-xaajoodka lagu soo daaynaya la haystayaasha.

Warbixinta waxaa helay koox mucaarad ku ah dowladda una sii gudbiyay Qatar, kaddibna BBC-da ayaa loo soo dusiyay.

Su’aasha la is waydiinayaa waxay tahay, Qatar ma waxay bixisay lacagtii madax furashadii ugu badnayd taarikhda?

Sheekh Maxamed wuxuu ahaan jiray khabiir dhanka dhaqaalaha ah, waxay qaraabo dhaw yihiin Amiirka dalkaasi, lamana ogayn xilligii loo magacabaay inuu noqdo wasiirka arrimaha dibedda dalkaasi isagoo jira 35 sanno.

Markii afduubka loo gaysanayay muwaadiininta reer Qatar, safiirka Qatar u fadhiya Ciraaq Zayed Al-khayareen wuxuu jiray da’da 50 sanno, waana safirkii ugu horreeyay ee Qatar u fadhiya dalka Ciraaq muddo 27 sanno ah balse jagadan sidaasi muhiim ugama ah Qatar.

Wada-xaajoodka lagu soo furanaya ragga lagu afduubtay Ciraaq waxaa loo adeegsanaya in sare loogu qaado jagadiisa.

28-ka qof ee Qatar u dhashay waxaa gudaha Ciraaq lagu afduubtay iyagoo Galaydh ka ugaadhsanaya dhul ku yaalla koonfurta Ciraaq oo shimibrtan Galaydhka laga helo. Galaydhka ayaa aad looga jecel yahay qoyska reer Boqor. waxaana lagu iibsada qiimo aad u sareeyo.

Toddobaadyo xanuun badan kaddib, dowladda Qatar wax war ah kamay haynin afduubka, balse bishii March ee sannadkii 2016-kii ayay ogaadeen in kooxaha wax afduubtay ay kasoo jeedaan garab kamid ah maleeshiyaadka Ciraaq oo ay taageerto dowladda Iiraan.

Kooxda waxay sheegeen inay doonayaan lacago madax furasho ah, Safiirka Qatar u fadhiya Ciraaq ayaa farriin ka helay wasiirka arrimaha dibadda Sheikh Maxamed.

Wuxuuna farriinta ku yidih ” waxaan ku yidhi 14 kamid ah dadkeena inoo soo daaya, qayb kamid ah lacagta madax fursahada ayaan idiin siinaynaa”

Shan maalmood kaddib kooxda waxay sheegeen inay soo daaynayaan saddex kamid ah ragga ay afduubteen.

Labo maalmood kaddib safiirka Qatar wuxuu gaadhay aagga caggaaran ee magaalada Baqdaad iyadoo ay ilaalinayaan laamaha ammaanka Ciraaq, goobtan waxaa ku yaalla xafisyada dowladda iyo safaaradaha dalalka shisheeye.

Goobta waxaa ka jirtay xiisad kaddib markii tageerayaasha waddaadka shiicada Muqtada Sadar ay dibad-baxyo ka wadeen afaafka hore ee xarunta aagga cagaaran ee magaalada Baqdaad, shaqaalaha safaaradda goobta ay ka carareen, wada-xaajoodka uu safiirka doonayey inuu ku soo daayo ragga la afduubtay waxaa saameeyay dibadbaxa.

Safiir Khayareen wuxuu sugay dadkii matalayay kooxaha wax afduubtay balse ma jirin ballan qaad lagu soo daynayo raggan.

Wuxuu soo qoray farriintan “Waa markii saddexaad ee aan tego magaalad Baqdaad si loo soo daayo ragga la naga afduubtay, aad ayaan u walwalsanahay, mana doonayo inaan soo tago anigo ku guulaysanin soo daynta 28-da qof ay la haysto”

Kooxdii waxay diideen inay soo daayaan ragga balse waxay safiirka siiyeen aalad ay ku jiraan muuqallada dadka ay haystaan.

Waxay ugu baaqeen safiirka inuuna cid kale la wadaagi muuqalladaasi. wuxuuna sheegay safiirka inaanu la wadaagaynin muuqaallada qoyska maaddaama ay ka walaacsan yihiin afduubka loo gaystay.

Kataib Hezbollah oo wada-xajoodka u matalayay kooxda afduubka gaysatay ayaa wasiirka arrimaha dibadda Qatar ka codsaday 10 milyan oo doolar sii loo soo daayo ragga.

Safiirka Qatar ee Ciraaq waxaa dadaalka wada-xaajoodka u waday labo qof oo Ciraaq u dhashay oo sunniyiin ah, waxay booqasho ugu tageen wasiirka arrimaha dibadda Qatar, waxayna ka codsadeen lacago horumaris oo gaadhaya $150,000 iyo shan kamid ah saacadaha ugu qaalisan dunida.

Bishii April sannadkii 2016-kii waxaa meesha soo galay Jeneraal Iiraan u dhashay oo la yidhaahdo Qaasim Sulaymaani .

Safiirka ayaa farriin qoraal ah u soo qoray wasiirka arrimaha dibadda Qatar wuxuu ku yidhi” Janaraal Sulaymaani wuxuu la kulmay kooxda afduubka gaysatay waxayna ku cadaadiyeen inuu bixiyo 1 bilyan oo doolar.

Bishii Januray ee sannadkii 2017-kii waxaa la isla gaadhay in Qatar ay bixiso 1 bilyan oo doollar iyo 150 milyan oo doolar.

Saraakiisha Qatar waxay aqbaleen inay jirto farriimaha la is waydaarsaday, balse waxay sheegeen inay rumaysan yihiin in waxyaabo aan jirin meesha lagu daray.

Dabayaaqadii bishii April ee sannadkii 2017-ka waxaa lasoo afjaray dadaallada lagu soo daaynayo muwaadiniintii Qatar ee Ciraaq lagu afduubtay.

Diyaaradda Qatar ayaa lacagta madax furashada gaysay magaalada Baqdaad, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Qatar inkaastoo maamulka shirakadda Qatar ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintani.

Su’aasha la is waydiinaya ayaa ah yaa helay lacagtii la geeyay Baqdaad? balse waxaa la sheegay in in ka badan 1 bilyan oo doollar iyo 150 milyan oo doolar ay ku waajahnaayeen maleeshiyaadka afduubka gaystay oo ay taageerto Iiraan.

Saraakiisha dalka Qatar waxay sheegeen in lacagtaas sidaasi u badan loo diray dowladda Ciraaq, balse ayna gacanta ku dhigin kooxaha argagixisada, waxayna ku sheegeen in bixinta lacagtan looga gol lahaa iskaashiga dhanka ammaanka ee la haystayaasha isla-markaana dowladda Ciraaq ay mas’uuliyad ka saarnayd badbaadinta muwaadiniinta reer Qatar ay afduubka lagu haystay.

21-kii bishii April sannadkii 2017-kii waxaa xoriyaddooda dib u helay muwaadiniintii Qatar u dhashay ee Ciraaq lagu haystay sida uu ku warrramay safiirka Qatar u fadhiyay Ciraaq.

Lix iyo tobban bilood kaddib, 28-dii qof ee xorriyaddooda dib u helay ayaa lagu arkay iyagoo faraxsan waddo ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Dalka Qadar ee Dooxa.

Oodweynenews

Hargeysa-Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker