Ciidamada Booliska Masar Oo Xidhay Lix Soomaali Ah Oo Sharci Daro Ku Joogay Dalkaas
Qaahira(OWN)- Wararka ka imanaya caasimadda Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in ugu yaraan lix qof oo Soomaali ah ayaa lagu xidhay Magaalada Qaahira , iyada oo hawlgallada Booliska ay weli ka socdaan dalkaas.
Booliska Magaalada Qaahira ayaa xaafadda Nasri City ee Bariga Qaahira ku qabtay Lix qof oo Soomaali ah ,kuwaas oo isugu jira ardey iyo Muhaajiriin.
Booliska Masar ayaa baadi goob ugu jira dadka sida sharci darrada ah ku jooga dalka Masar ee ay ka mid yihiin Soomaalida.
Jaaliyadda Soomaalida ee Magaalada Qaahira ayaa dadaal ugu jirta sidii dadkaas looga sii deyn lahaa xabsiga, iyaga oo maamulka xaafadda kala hadlaya arintan.
Dhowr jeer oo hore ayey Booliska Masaarida boqolaal Soomaali ah dhigeen Xabsiyada Masar, iyada oo qaar kood la maxkamadeeyay,kuwa la iska siidaayay halka qaar kalena ay wali xidhan yihiin xabsiyada dalka Masar.





