Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Shalay Furay Shirkii Nabadaynta Beelaha Dirirtu ku dhexmartay Ceel-afweyn

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo shalay daah-furay shirka nabadaynta beelaha walaaalaha ah ee dhawaan ku dagaalamay deegaanada Ceel-afweyn, shirkaaas oo ka furmay magaalada Ceel-afweyn ayaa waxa kasoo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Wasiiro, Xildhibaano, ergooyinkii loo xil-saaray arrinta nabadaynta iyo salaadiin ka kala socota guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somalilad, Maxamed Kaahin Axmed ayaa furitaankii shirka ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayo masiibadii ka dhacday deegaanka iyo sida ay u saamaysay dadkii ku noolaa deegaanka ayaa, sheegay in colaada ceel-afweyn ay ku naf-waayeen horayso iyo danbaysaba ku dhawaad 60 ruux, halka ay tiro intaa kabadanina ku dhaawacantay, wasiirku waxa uu intaasi ku daray in xukuumada JSL ay ka go’antahay sidii hawshaasi loo dhamayn lahaa.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan saylici oo shirka furay ayaa si weyn u bogaadiyay cuqaasha iyo xidhayaasha labada dhinac ee dagaalku dhex maray, waxaanu u sheegay in Xukuumadda Somaliland ay ballan ku qaadayso in qofkii isku daya inuu carqaladeeyo nabadaynta deegaanka ceel-afweyn ay xukuumaddu ka qaadayso tallaabo adag xataa haddii ay kumanaan qof ku naf waayayaan” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

Image may contain: 9 people, crowdImage may contain: 2 peopleImage may contain: 4 people, close-upImage may contain: 3 people, people sitting and beardImage may contain: 8 people, people smiling, crowd, wedding and indoorImage may contain: 3 peopleImage may contain: 6 people, people smiling, crowdImage may contain: 4 people, people smiling, weddingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 4 people, beardImage may contain: 7 people, people sitting and beardImage may contain: 2 people, people smiling, suit and beard

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker