Farmaajo Mise Geelle ?

7/23/017 isagoo u wareysi gaar ah siinaaaya BBC da ayuu Madaxweyne Geelle si jees jees ah wax ugu sheega dimuqaaridiyadda iyo doorashooyinka xorta ah ee  Somalilaan ka hirgalisay gobol hoy u noqday tallo maroorsiga oo aanu muwaadinku xuquuq codeed ku lahyn “ka xukumaaya kuu noqonaayo”.
9 June 018 isagoo kulan la qaadanaya RW Kheyre ayuu Geelle si cad ugu hor yimi madax bannaanida dalnimo ee Somalilaan oo ku dhisan go’aan  rabitaan shacab ah , waxaanu ku sifeeyey qadiyadda Somalilaan ” Gooni u goosto shar wadayaal ah”. 19 May 018 isagoo wareysi gaar ah  siinaaya majaladda JEUNE AFRIQUE oo ka soo baxda Faransiiska wuxuu Mr Geelle u tebiyey Wargeyskaas dacaayado ka dhan ka ah maalgallin ay hesho marsada Berberi waxaanu ka dardaar-wariyey iney Berbera dhawaan xidhmi doonto (Hoostaada la hel !! ).
Kaligii-taliyaha Geeska ku hadhay Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu shacabka Somalilaan u hayaa cadaawad siyaasaddeed oo soddon jirsatey waa tan iyo “S-tii yee” oo ka dhan ah dib ula soo noqoshadooda dawladnimo. Inkastoo walaalaha isteeranka innoo haya ee Kulmiye ku celceliyaan innuu cadowga siyaasaddeed ee ugu weyn ee Somalilaan leedahay uu yahay kolba masuulka lagu waardiyeeyo Villa-Somalia haddana hubbaal haddii si cilmiya loo baadho mowduuca ah ” Waa kuma cadowga siyaasaddeed ee ugu weyn—diiddana qadiyadda gooni isu taagga Somalilaan ? ” waxaan aad ugu kalsoonahay innuu yahay Geellaha afduubka Ku haysta walaalaha Jabuuti. Sababta oo ah weynu garan karnaa waxa aynu isku hayno Somalia siyaasad ahaan laakiin waa maxay Sababtu uu Geelle markasta ugu hawlanyahay abaabulka arimo ka dhana dannah Somalilaan iyadoo aanu innaga  dhexeyn ismaadhaf siyaasadeed oo sal la taaban karo leh sidda ka Somalia.
Muwaadin rumeyso innuu ahaa Madaxweyne Geelle ninka ka shaqeeyey ee maalgaliyey mooshinkii ka dhanka ahaa maalgalinta dekadda Berbera ee Barlamaanka Somalia la hor geeyeey. Farmaajaha ilaa hadda hortaagan innuu saxiixo go’aan labba Golle si aqbliyad ah u ansixiyeen meel uu gaadhi lahaa ba waxay caddeyneysaa in aanu lug ku lahyn arrinkaas , bal waxay tani sababtay in Gudd Juwaari lagu tuuro kursigii guddoonka iyaddoo Laanta Fullinta adeegsaneyna awood aan dastuuri ahyn. Su’aasha million dollerka ahi waxaa weeye: halkuu Seediyo inagala qaadey ? “Shawahaaddu waa meel kalee sheeg
haddaad garto ?” Abwaan Dheeg.
Waa wax lagu murugooda in Shirkadaha Qayska Geelle KOOTO loo xidho iyadoo la dhinac maray qodobka 13aad ee Dastuurka JSL oo damaanad qaaday ( Suuqa Xorta ah). Dastuur jabinta iyo Khiyaamadaa qaran ee taarikhiga ah waa lagala xisaabtami doona hoggaanka Kulmiye. Isla shirkadaha Geelle ee qayrul-sharciga ah oo ku magacaaban kuwa ganacsi laakiin marar badan u hawl galla sida Maafiyada wuxuu Geelle u wakiishay afduubka doorashooyinka xorta iyo xalaasha ee Somalilaan iyo xaq uu codbixiyahu u leeyahay in go’aamiya hoggaanka dalkiisa iyagoo isku dayey inay u soo cumaamadan qof danahooda u fuliya. Shacabka Somalilaan ma aqbali doono in la faro galiyo dimuqardiyadda iyo xoriyadda haddalka uu ku joogta dhiigga iyo dhididka dadkooda. Waxaa nasiibo darro weyn ah in xukumadda Muuse danaha Somalilaan ka horaysiiso kuwa qoyska Geelle , Muwaadiniinta arintan ka dhiidhiyana cay iyo aflagaado lagu miiso sidda Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Aan ku soo afmeerno: haddii Jeegaantu ugu xilaneyso Jabuuti waxoogaaga ganacsiga , passportska laga siiyo iyo garabka istaaga wakhtiga doorashada waxaynu u sheegaynaa in ganacsiga inagala dhexeeya Somalia uu
ka balaadhan yahay ka Jabuuti iyo innuu shacabka Somalilaan ee sita passport soomaligu ka badan yahay faro kutiriska sita ka Jabuuti. Wll Jeegaan ow First Somaliland.
Xasan C/qaadir Yuusuf ( Hassan Garnayl).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker