Madaxweynaha Wadanka Eretrea oo Berrito booqanaya Dalka Ethiopia

Asmara: (OWN) Madaxweynaha Dalka Eretrea Isaias Afwerki, ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago Dalka Itoobiya Maalinta Berri ah sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Dalka Eretrea , Yemane Meskel.
Mr; Meskel, ayaa boggiisa Tweeter-ka kusoo qoray in Berrito oo Sabti ah uu Afwerki tegi doono Addis Ababa.
“Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tegi doono Berrito oo ay Taariikhu tahay 14-ka July Dalka Itoobiya ” ayuu yidhi Yemane xilli hore oo Maanta ah.
Booqashadan ayaa imaanaysa ka dib heshiiskii nabadeed ee uu gar wadeenka ka ahaa Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee dhawaan ka dhacay Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eretrea.
Heshiiskii Taariikhiga ahaa ee ay dhawaan Labada dhinac gaadheen ayaa meesha ka saaraya mad-madoow badan oo ku kala dhex jiray Itoobiya iyo Eretrea, kaasoo dib usoo celiyay isu socodkii, xidhiidhkii Isgaadhsiinta iyo is dhex galkii lumay Labaatan Sano ka hor wixii ka dambeeyay dagaalladii qadhaadhaa ee ka dhacay xadka Badhme 1998 illaa 2000.
Xigasho: Press TV




