Degmada Wajaale Oo Lagu Qabtay Hilib Laga Shakiyey, Dadkii Sitay Oo Baxsaday
Ciidammada Booliiska Somaliland, ayaa Degmada Wajaale ku qabtay Hilib iskugu jira Kalyo iyo Beer faro badan, kaasi oo looga shakiyey inaanu ahayn hilib Xoolaad.
Hilibka oo lagu soo mooriyey Bac iyo Kartoon isku lamaan, ayaa Maamulka Degmada Wajaale sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee la qabto iyada oo la doonayo in loo gudbiyo dhinaca Magaalada Hargeysa.
Maayarka Degmada Wajaale Mr. Xaashi oo markii Hilibkan shakiga abuuray la qabtay la hadlay Warbaahinta ayaa yidhi “Ummadda waxaanu uga digaynaa Wax Beer lagu sheegayo, balse aanaan wax uu yahay garanayn, oo ilaa xad aad u faro badan ayaa had iyo jeer dhinaca Itoobiya laga soo geliyaa, inuu Hilibkani doofaar yahay iyo inuu wax kale yahay la garan maayo.”
Maayarka Wajaale waxa kale oo uu sheegay “Hilibkan waxa lagu qaadaa Noohooyin waxaana la geeyaa Hargeysa, markaa Ummadda waxaanu uga digaynaa inaan la isticmaalin Hilibka Qalan ee aan la garanayn waxa uu yahay, halka ay ku arkaana noo soo sheegaan, intaas oo hore ayaanu qabanay, Dadkii sitayna Maxkamadaha ayaanu geynay.”
Xubin kale oo ka mid ah Maamulka Degmada Wajaale, ayaa sheegay in dhibaatada haysataa tahay in aanay haysan Shaybaadh ee ay kala saari karaan Hilibka Xoolaha iyo Hilibka kale ee shakiga abuura, waxaanu Wasiiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ugu baaqay inuu arrintaasi wax ka qabto “Wasiirka Xanaannada Xoolaha waxaan leeyahay, Wasiir waxaynu u baahan nahay Shaybaadhkii lagu baadhi lahaa Kalyahaa iyo Beerarkaa dhanka Itoobiya inaga soo gelaya.” Ayuu yidhi.
Hilibka shakiga badan abuuray, ayaa Dadkii sitay ee soo geliyey Magaalada Wajaale ay baxsadeen, sida Maamulka Degmadaasi sheegay.

Hilibkii Laga Shakiyey, Dadkii Sitay Oo Baxsadeen




