Maxaabiistii ugu tirada badnayd ee ku Xidhanayd Xabsiga Dhexe ee Jigjiga ee loo yaqaano Jeel-ogaadeen oo Lafilayo in ooda laga qaado

Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maanta lugu wadaa in xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga ka-sii daayso inta badan maxaabiista ku xidhan.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa xabsiga ku laa-laabannayay ehalada maxaabiista ku xidhan xabsiga, waxaa shalay barxad ku dhex-taalla xabsiga la isagu keennay maxaabiista ku xidhan xabsiga oo lugu wargeliyay in Isniinta maanta la fasaxi doonno, sida alagasoo xigtay  qaar ka mid ah ehalada maxaabiista ku xidhan xabsiga.

 Aad ayaan ugu farxi doonnaa haddii aan walaalkey la kulmo maanta.. waanan u mahadcelinayaa  dowladda.” Fartuun Geelle oo xabsiga uu ku xidhanyahay walaalkeed ayaa sidaa u sheegtay Midkamida warbaahinta madaxa banaan

Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay waxa ay ku eedeysay maamulka Soomaalida Ethiopia inay ku tacadiyaan dadka maxaabiista ah, wallow ay mas’uuliyiintu eedeynta HRW diiddeen.

Waxaa ka mid ah maxaaabiista ku xidhan xabsiga kuwa u xidhan arrimo siyaasadeed iyo kuwa loo xidhay inay ka tirsanaayeen jabhadda ONLF, bishii Febraayo ee sannadkan waxaa xabsiga laga sii daayay maxaabiis kor u dhaafaysa 1,500.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker