Turkiga Oo Shaqada Ka Eryay Kumanaan Qof Oo Hor Leh
Dawladda Turkiga ayaa shaqada ka eriday sideed iyo toban kun oo qof oo isugu jira askar, saraakiil booliis, macallimiin iyo qaar ka tirsan shaqaalaha rayidka ah.
Waxay sidoo kale xiraysaa xarun telefishin iyo saddex wargays.Waa shaqo ka diristii ugu dambaysay ee ay xukuumaddu samayso kadib afgambigii dhicisoobay ee bishii July sanadkii 2016 – kaas oo masuuliyiinta dalkaasi ay ku eedaynayaan wadaadka fadhigiisu yahay Maraykanka ee, Fethullah Gulen.Dawladda Turkiga ayaa ku eedaynaysa dadka shaqada laga eryay in ay xiriir la leeyihiin kooxo argagixiso ah.Kala bar dadkaasi waa saraakiil boliis, saddex meelood meelna waa xubno katirsan ciidamada qalabka sida.In kabadan boqol labaatan iyo shan kun oo qof ayaa shaqada laga eryay tan iyo iskudaygii afgambiga, kaas oo sabab u noqday in dalkaas lagusoo rogo xaalad dagdag ah.




