Wadanka Thailand 6 Caruurtii Godka ku dhacday oo la soo Badbaadiyey

 

 

Thailand cave rescueThailand cave rescue

 

Saraakiisha dalka Thailand ayaa sheegay in lasoo badbaadiyay laba ka mid ah 12 wiil iyo tababarahooda kubadda cakta oo labadi todobaad ee lasoo dhaafay ku go,doonsanaa god weyn oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

Labadani wiil ayaa hadda ku sugan xarun caafimaad oo macmal ah oo laga sameeyay bannaanka godka, waxaana halkaasi looga sii gudbi nayaa isbitaal weyn oo godka u jira qaddar saacad ah.

General Kongcheep oo ka mid ah u qeybsanayaasha howlgalka babbaadada dhalinyaradani ayaa sheegay in afar canug oo kale oo ka mid ah wiilasha ku go,doonsan godka ay goor dhaw imaan doonaan dibadda.

Howlaha gudmadka ah ayaa waxaa ka qeybgalaya 18 quusayaal oo 13 ka mid ah yihiin ajnabi. Quusayaashan ayaa u kala qaatay badbaadinta ilmaha in halki wiilba ay soo badbaadiyaan laba quuse.

Saraakiisha waxay sheegeen in howlgalka badbaadinta wiilashani ay qaadan doonto laba ilaa afar maalmood.

XIGASHO: (VOA)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker