Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Xadka Kenya iyo Soomaaliya
Ugu yaraan lix sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliska Kenya ayaa ku dhaawacmay, kadib markii qarax miino lagula eegtay meel aan sidaa uga fogeyn xadka Soomaaliya. Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa ka soo safray saldhiga ay ku leeyihiin Tuulada Ijara, kuwaasi oo loo waday saldhig kale oo ku yaala deegaanka Sangail oo ka tirsan waaxda Holugho oo hoostagta Gaarisa.

Taliyaha Booliiska Magaalada Gaarisa David Kerina ayaa sheegay in weerarka oo ka dhacay deegaanka Masalani uu bur-buriyey mid ka mid ah gaadiidka ay la socdeen ciidamada. Mid ka mid ah gaadiidka ay la socdeen ciidanka ayaa dul maray miinada dhulka lagu aaso, taasi oo sababtay dhaawaca 8 askeri oo saarnaa gaariga ayuu yiri Taliyaha Booliiska Magaalada Gaarisa Daviud Karina.
Askarta dhaawaca uu soo gaaray ayaa diyaarad helicopter ah goobta looga qaaday, waxaana la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Nairobi sida uu xusay taliyaha. Maleeshiyada Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxa ayna sheegeen in ay gubeen mid ka mid ah gaadiidka ay ala socdeen ciidanka Booliska Kenya.




