Dagaal Deeganka Ceel Afweyn Mar Kale Ka Dhacay , Tirada Dhimashada & Dhaawaca
Wararka aanu ka helay deegaanka Darar-weyn ee degmada Ceel-afweyn ayaa waxa ay sheegayaan in saaka uu markale dagaal ka dhex bilaabmay Beelaha walaala ah ee Colaadu ka dhaxayso ee Deegaanka Ceel-afwayn.
Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay hal qof waxaanu ku dhaawacmay ee hal qof oo kale.
Ciidammada qaranka ee ku sugan deegaankaasi ayaa la sheegay inay kala dhex-galeen, waxa ay wararku sheegayaan in uu dagaalku istaagay.
Muddooyinkii u dambeeyay wax labadan Beeleed Sacad Yoonis (Habar-yoonis) ah iyo Biciido oo (Habar-jeclo) ah ka dhex taagnaa saansaan colaadeed.
Xukuumadihii kala dambeeyay ee KULMIYE ayaa ku guul-darraysatay inay nabad waarta ka dhex dhaliyaan labadan beelood ee wada dega deegaankaasi oo ay colaadoodu daba dheeratay.





