Baarlamaanka Dalka Ethiopia oo liiska argagixisada ka saaray Ururrada mucaaradka ah

Adis-ababa (OWN) Baarlamaanka Itoobiya ayaa fadhi deg-deg ah oo goor dhowayd yeeshay ku ansixiyay qaraar ay Golaha wasiiradu u soo gudbiyeen, kaasoo ahaa in liiska argagixisada laga saaro ururada hubeysan ee mucaaradka ku ahaa dalkaas.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraarka liiska Argagixisada looga saaro Ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay, markii maalin ka hor Golaha Wasiirada Itoobiya isku raaceen in liiska argagixisada laga saaro ururadaas, taasoo qeyb ka ah qorshaha is bedelka uu qaaday Raโ€™iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Boqolaal maxaabiis ah oo u xidhnaa siyaasadda ayaa dhowaan laga sii daayay xabsiyada Itoobiya, kuwaasoo u badnaa siyaasiyiinta mucaaradka.

Itoobiya ayaa horay u aqoonsatay ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF inay yihiin ururo argagixiso ah oo khatar ku ah Ammaanka Qaranka Itoobiya.

Kummanaan Maxabiis ah oo siyaasiyiin ay ku jiraan ayaa xabsiyada dalka Itoobiya uu ka sii daayay Raโ€™iisal Wasaare Abiy Ahmed oo talada dalkaasi haya wax yar, wuxaana sameeyay isbedel- weyn oo shacabkiisu ayaad u soo dhaweeyen

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker