” Somailand Ma Diidana Midnimada Balse Waxa Jira Tabasho Xal U Baahan …. ” Sheekh Shariif Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in lasii fogeeyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhanka ah Somaliland oo uu sheegay in iminka ay tahay mid taagan meel dhow.

 

Sheekh Shariif ayaa ku baaqay inay muhiim tahay in Somaliland lasoo dhaweeyo, isagoo intaas ku daray inaanay Somailand diidaneyn midnimada balse ay jirto tabasho xal u baahan.

 

“Hoggaanka Somaliland waa in lala fadhiisto maadaama dalka uu hadda ka jiro is-bedel, Xalka Soomaaliya wuxuu muuqan doonaa wixii ka dambeeya wada-hadalada Somaliland,” ayuu yidhi Sheekh Shariif.

 

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa wuxuu mar kale hadlakiisa ku yidh “Walaalalaha Somaliland waxbay tabanayaan, khaladna wuu dhacay oo nin in-kiri karaan ma jiro. Haddaba, aniga waxay ila tahay inaan la gar-naqsanno ninkii shalay intuu xornimo qaatay kuu yimid ee calanka kuu keenay haddana ku yiri dhibaato ayaan tabanayaa ninkaasi gar ayuu taagan yahay.”

 

Sheekh Shariif oo sii wada hadalkiiisa ayaa mar kale yidhi. “Marka haddii aan ALLE ka baqno waxay Somaliland mudan tahay in lala fadhiisto oo xal rasmi ah loo raadiyo cabashadooda.”

 

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in xal deg-deg ah loo raadiyo khilaafka labada dhinac, wuxuuna caddeeyay in Somaliland ay muhiim u tahay xalka Soomaaliya.

 

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre inay gar-waaqsadan Tabashooyinka Somaliland, isla markaana ay ka shaqeeyaan wanaajinta walaalahaas naga maqan si ay u soo deg-degto midnimada la raadinayo.

 

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Adduunku raadinaayo midow, halka Somaliland ay xiligaani mareyso gooni-isku-taag, balse wuxuu ku baaqay in la raadiyo midnimada Soomaali weyn.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Sheekh Shariif Sheekh Axmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker