Suldaanka Guud ee Beesha Reer Sheikh Abdirahman(Madigaan) oo War saxaafadeed Kaga Hadlay Shirka Beel Weyne Garxajis
Waxaa maanta War saxaafadeed nuxurkiisu yahay taageerista shirkii Beesha Garxajis ee Tolwanaaje 2 na soo gaadhsiiyey Suldaanka Guud ee Beesha Madigaan Suldaan Cali Suldaan Maxamed Sh.Ismaciil oo ka mid ahaa salaadiintii lagu casuumay shirka,hadaba waxa uu u dhigmaa sidan,”war-saxaafadeed…… Ugu horayn waxaan ka cudur daaranayaa casuumadii beesha Garxajis ii noo fidisay ee aan ka maqnaa howlo beesha dhexdeeda ah awgeed oo ii saamixi waayey tagistii shirka Tol-wanaaje 2 waxaan aan leeyahay beesha garxajis weyne casuumadaasi waan idinka aqbalnay wayna idinka gaysan tahay.
Marka xiga hadaan usoo daadago dulucda war-saxaafadeedkaygan anigoo ah Suldan Cali Suldaan Maxamed Sh.Ismaaciil ahna Suldaanka Guud ee Beesha Reer Sheikh Abdirahman(Madigaan) waxa ay beeshu iyadoo isku duuban ay taageertay:
1: Beesha Reer Sheikh Abdirahman(Madigaan ay uga mahad celinysaa Beesha Garxajis casuumida ay shirka Tol-wanaaje 2 ku soo casuumeen beesha Beesha Reer Sheikh Abdirahman(Madigaan)
2: Waxa Beesha Reer Sheikh Abdirahman(Madigaan)ay si buuxda u taageersan tahay qodobka odhanaaya In la helo SOMALILAND la wada leeyahay.
3: Waxa Beesha Reer Sheikh Abdirahman (Madigaan) ay taageersan tahay in talo dib loogu noqdo lagu saxaayo 10kii sano ee laga soo gudbay wixii khaldamay si loogu saxo wixii khaldamay loona helo SOMALILAND loo dhan yahay.”

Wabilaahi Tawfiiq:
Suldaanka Guud ee Beesha Reer Sheikh Abdirahman(Madigaan)




