Haweeney Oo Loo Haystay Eedo La Xidhiidha Al-Shabaab Oo Geeriyootay Xabsi Ku Yaala Magaalada Mombasa.

Mombasa (OWN)- Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in Haweeneydaasi oo lagu magacaabi jirey Maryan Cabuud ay ku geeriyootay Xabsiga dhexe ee magaalladda Mombasa ee dalka Kenya.

 

Marxuumadda oo iyada iyo 3 haween oo kale oo ayku xidhnaa Xabsiga Shimo La Tewa  ee Mombasa. tan iyo sannadkii 2015-kii ayaa la sheegay inay bishii hore u geeriyootay Cuddurka Kansarka, sida ay sheegeen Baadhayaasha dalkaasi.

 

Qoraal caafimaad oo loo gudbiyey Maxkamadda Mombasa ayaa lagu sheegay inay Marxuumadda u geeriyootay cuddurka Kansarka, balse  Maxkamadda Mombasa waxay ugu yeedhay  Madaxa qeybta Boliska Mombasa ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, Charles Ogeto si wax looga weydiiyey  Dacwaadaha ka dhanka ah 4-ta Haween ee lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin   Alshabaab, kuwaasi oo dacwadoodu socotay muddo 3 sanno ah.

 

Madaxa Garsoorayaasha Maxkamadda Mombasa, Evans Makori ayaa u yeeray Mas’uulkaasi, si uu Maxkamadda horteeda caddaymo uga bixiyo arrimo badan oo la xidhiidha Kiiska haweenka ku eedeysan inay ka tirsan yihiin Alshabab.

 

Madaxa Garsoorayaasha Maxkamadda Mombasa waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo cabsi-gelin ku ah sidiii ay Haweenkaasi u heli lahaayeen Maxkamad caadil ah, iyagoo 3 ka mid ah Haweenkaas   lagu kala magacaabo Umul-kheyr Sadri, Khadiijo C/qaadir iyo Xaliima Aadan oo ay dacwadooda ka socotay Mombasa waxay beeniyeen Eedeymaha loo haysto, iyaoo lagu sii daayey Damiin Lacageed.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker