Nin Sinaantaada Diidey adna sarayntiisa diid, aynu waxda yeelano wax wada lahaano, aan kula sinaado intaba diidey waa Jeegaanta oo Beelaha Garxajis &
Nin Sinaantaada Diidey adna sarayntiisa diid, aynu waxda yeelano
wax wada lahaano, aan kula sinaado intaba diidey waa Jeegaanta oo
Beelaha Garxajis & Beelaha kalaba tidhi, nagu hoos noolaada, nagu
daba fayla, Amrakayagana ku socda, oo Siilaanyo & Muuse sidii Boq-
ortooyo Kursigii isu boobay, Jeegaana Samaystey, Kolkaa Guul Shirka
Garxajis ee Laga Mamnuucay, Beelihii Jeegaanta.
Imisaan Maandhaw ka daa, aynu wada yeelano, aynu wada hadalno ay Jeegaa-
nta Labada Reer isu bahaystey ee H/Jeclo & H/awal diideen, oo Suldaamadoo-
dii ku andacoodeen, anaga ayaa isu abtiya,oo isu ehela, oo Guushii shii waanu
gaadhnay hadaanu Kursiga kolna Siilaanyo saarnaa & H/Jeclo, maantana
Muuse aanu saarnay oo H/Awal oo Jeegaan aanu isku nahay.
Siyaasiintoodu ku andacoodeen, Ninka H/Jeclo ee Garxajis cod siiyaa waa
Nin dhabarka is toogtey, kuwa kale lahaayeen, hadii Muuse Guulaysan waayo
H/Awal ha quusato weligeena sidaa ayaa loo gumaysan, oo Rag & Dumar &
Dhalinyar, Siyaasiin, la laha Garxajis waa Cadaw, waa Somaliweyn, yaan la
dooran yaan la siin, weynu hoogi oo weynu baabi,i, haduu Garxajis Kursiga
fuulo, oo Siilaanyo & Muuse &H/eclo & H/Awal Garxajis cadaw ka dhigteen
oo Ciidankii & Shaadhkii Dawlada & Hantidii Umada ka dhaxaysey Garxajis lagula dagaalamay, oo hadh cad oon gabasho lahayn, tudhaale lahayn loola
dagaalamay Garxajis Ilaa Dagaalkii sokeeye ilaa imika.
Garxajis intaa samrayey, Somalilandka ada Dhalashada intaa ilaalinayey wey
dhacsan lahaayeen, xaqooda oo Cashuur ayey bixiyaan, oo Wadanka we ku
nool yihiin, eeNabada ilaalinayeen.
Hadaba, Garxajis Guul shirkooda ay ka mamnuuceen, Beelihii Cadawga ka
dhigtey ee eegaanta la baxay, ee Beelihii S/Land ee kalana cidlada direy ee
ku andacoodey Jeegaan ayaanu nahay oo sidii boqortooyo Kursiga anagaa
iskaga degeyna oo Siilaanyo & Muuse isu boobeen.
Sidaas arteed, Beelaha Garxajis & Buurta Gacalibaax Guul Insha alla, & Beelaha kale ee ay ku macsuumeen, Jeegaantiina ka reeban, Waayo,
Rag Walaal wuxuu ku dhaama waa la waayey, Garxajis in badan ayuu samrey
oo la duudsiyey, imikanse yey dib u habran, xaqooda & Cadkoodaba ha goostaan, oo yey daawadayaal dambe ka noqon, Wadanka asy u soo halgameen Naf & Maal u hureen, ku nool yihiin, Cashuurta bixiyaan, waa in
meel kasta, Qanraasyada, Madaxda, Sariikasha Ciidamada, Schoola Shipyada
& Wadooyinka, Ceelasha, & orumarka Wadanka aanay dib uga qadin, uuga
maqnaanin.
Guul & Gebogebo, wacan insha alla shirka Garxjis.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama
ashaa.j@live.nl




