Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Wefti Ka Socda Dalka Imaaraadka Carabta Oo Safar Ku Yimid Magaalada Badhan Ee Gobolka Sanaag

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf, ayaa ka hadlay Hayโ€™addo dalka Imaraadka ah oo tagay Deegaanada uu ka soo jeedo ee Sanaag Berri, waxaanu tilmaamay in Xukuumad ahaan ay ka war hayaan, waxaanu sheegay in Hayโ€™addahani Deeganadaas ay ka fulinayaan mashariico khayriya.

 

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf, ayaa weftigan ayaa ugu horeyn yidhiย  โ€˜Waa Hayโ€™addo khayriya, oo mutadawiciina, oo isku tag tagay, oo ka shaqaynayey Deegaanka, waxay u yimaadeen hawlo ay wadeen, horena wey u joogeen, maanta (shalay),ย  ayey yimaadeen waana la soconay, qorshaha ay u yimaadeen waa mashriicaha khayriga ah ee ay ka wadaan deegaankaโ€.

 

Mar aanu waxย ka weydiinay mashariicaha ay Hayโ€™addahani ka wadaan Deeganadaas ayaa ku jawaabay โ€œWaxa jira Dugsiyo la dhisayo oo ay wadeen, waxa kale oo jiray Dhismayaal kale oo caafimaad ah, haddana wixii kale ee ay ku dari karaan ayey ku darayaan,imika lafteeda dalbayo mashriico ayaa loo bandhigay, in wixii ay ka fulin karayaan ay ka fuliyaanโ€.

 

Mar aanu wax ka weydiinay inย  Xukuumadd ahaan ay la socdaanย  imashaha Hayโ€™addahan iyo in kale ayaa ku jawaabay โ€œWaa Hayโ€™addihii joogay, wax cusub maaha, qariibna maaha, Suldaanka ayey soo mareen, weyna ka shaqeeynayeen, muddana wey joogeen, Suldaankuna meesha ayuu ku sugaayey, oo Ceerigaabo ayuu ku sugayey.โ€

 

Weftigan oo aan tiradooda si rasmi ah loo garanayn ayaa waxa qaabilay suldaanka guud ee deegaankaas Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo si balaadhan u soo dhaweeyay.

 

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland

Ciise Axmed Yuusuf,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker