Afartan iyo lix Qof Itoobiyaan ah Oo Ku Geeriyooday Kadib Markay Doon Kula Qalibantay Badda Gacanka Cadmeed

Afartan iyo lix Qof oo Itoobiyaan ah ayaa ku qaraqmay badda Gacanka Cadmeed horraantii Arbacada xilli ay ku safrayeen doon u socotay dalka Yemen, sida ay sheegtay hay’adda Q.M. u qaabilsan muhaajiriinta ee (IOM).

Toban iyo lix Qof x oo kale, ayaa la sheegaya in wali la la’ yahay. Doonidan ayaa dadka ay wadday waxay gaareyayeen illaa iyo 100 ruux oo Itoobiyaan ah.

Doonta, ayaa sida ay IOM sheegtay, ka baxday dekadda Boosaaso ee Soomaaliya Talaadadii, taas oo ay la socdeen 83 rag ah iyo 17 dumar ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker