Soomaaliya waxay u qalantaa dayn cafis – IMF

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga adduunka ayaa shir ay yeesheen maalmihii Arbacada iyo Khamiista ee toddobaadkan kadib waxay ku dhowaaqeen inay Soomaaliya u qalanto in daymaha lagu leeyahay laga khafiifiyo marka la raaco waddamada faqiirka ah ee daymaha culus lagu leeyahay.

Guddiyada maamula labada hay’adood ee ugu weyn maaliyadda dunida waxay ku ammaaneen Soomaaliya shaqada laga qabtay isbeddello dhinaca dhaqaalaha iyo maamulka hay’adaha maaliyadda ah iyadoo haddana bay yiraahdeen duruufaha Soomaaliya ay yihiin kuwo adag.

 

Labada hay’adoodba waxay ansixiyeen inay aqbaleen in Soomaaliya daymaha laga khafiifiyo. IMF iyo Bankiga Adduunka waxay labaduba sheegeen inay tallaabadani muhiim u tahay in Soomaaliya laga saamaxo inta badan daynta lagu leeyahay oo ah $5.3 bilyan oo doollar.

Agaasimaha hay’adda IMF oo ah gabadha lagu magacaabo Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in oggolaansaha ay bixisay IMF uu yahay mid taariikhi ah.

 

Waxay sheegtay inuu si cad u aqoonsanayo isbeddellada dhinaca dhaqaalaha ee ay Soomaaliya samaysay muddadii ay kormeerka dhaqaale ku hayeen shaqalaaha IMF. Waxay sheegtay inay muhiimaddda kowaad u tahay IMF in Soomaaliya ay marin u hesho tasiilaadka dhaqaale ee ay ku samayn karto kobac dhaqaale, iyo faqriga oo hoos loo dhigo.

Madaxweynaha Bankiga Adduuunka David Malpass ayaa isna go’aanka soo baxay shalay kadib sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Soomaaliya si dhow ula ay shaqeeyeen, isla markaana ay dawladda gacan ka siiyeen horumarka ay ka sameeyeen inay waddanka gaarsiiyaan heer daynta laga cafin karo.

 

Waxa uu sheegay in si geedisocodka loo dhammaystiro oo ay Soomaaliya u hesho dayn-cafiska waddamada faqriga ah ee daymaha culus lagu leeyahay in hawsha maaliyadeed ee Soomaaliya ee hadda ay kormeerka ku hayaan IMF looga soo baxo si lagu qanacsan yahay, iyo in dawladda Soomaaliya ay dawladaha iyo hay’adaha daymaha ku leh ay daymahooda siiyaan ama ay kula heshiiyaan istiraatijiyo looga nadiifiyo.

 

Waxa uu sheegay David Malpass in Bankiga Adduunka uu kula talinayo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee hoos timaadda IMF ee IDA inay iyadu ka cafiso daymaha lagu leeyahay Soomaaliya dhammaadka bishan Febraayo. Intaasi waxaa dheer ayuu yiri in Soomaaliya looga baahan yahay in waajibaadyada saaran dhinacooda ay kasoo baxaan si ay u gaaraan heer dhammaystiran oo la gaaro go’aan kama dambays ah bisha Maarso ee sannadkan.

 

Waxa uu sheegay in marka ay Soomaaliya gaadho heerka dhammaystirka ah inay xaq u yeelan doonto dayn-cafin aan shuruudi ku xirnayn marka loo eego barnaamijka waddamada faqriga ah ee lagu leeeyahay daymaha culus; iyo weliba barnaamijyada daymaha culus ee u dhigma kuwaas ee ay ku wada jiraan hay’adaha Bankiga Adduunka, Bankiga Horumarinta Afrika (AfDF), iyo taageerada IMF. Waxa uu intaasi ku daray in waddama la isku yiraahdo Paris Club laga filayo inay Soomaaliya siiyaan taageero ka sokow dayn-cafinta.

 

Barnaamijka waddamada faqriga ah ee daymaha culus lagu leeyahay waa barnaamij ay sameeyeen IMF iyo Bankiga Adduunka oo ay ku jiraan dhammaan hay’adaha lacagta ee dunida iyo waddamada ugu tunka weyn ee dayamaha bixiya kaasi oo qaamaha looga khafiifiyo waddamada ugu faqrisan dunida si looga yareeyo caqabadaha ka hortaagan kobaca dhaqaalahooda iyo hoos u dhigista faqriga. Ilaa hadda 36 waddan ayaa barnaamijkaas hantay, shuruuda looga cafiyo daymahana kasoo baxay.

Bangiga dhexe ee Soomaaliya

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker