Xulka Qaranka Argentina Oo Joojiyey Ciyaar Uu La lahaa Xulka Israel

Xulka Kubada Cagta ee dalka Argentina ayaa la sheegay inay baajiyeen ciyaar ay la lahaayeen xulka Israel oo lagu waday inay Sabtida ka dhacdo magaalada la heysto ee Qudus.

Go’aankan ayaa yimid xili cadaadis lagu saarayey kooxda Argentina inaysan tagin dhulka la heysto ee Falastiin, gaar ahaan goobta la qorsheeyey inay ciyaarta ka dhacdo ee Teddy Stadium, garoonkaasi ciyaaraha oo laga dul dhisay dhul laga boobay Falastiiniyiinta 1948dii.

Ururka Dhaq dhaqaaqa caalamiga ah ee ka dhanka ah Israel ee loo yaqaan BDS ayaa maalmihii lasoo dhaafay cadaadis weyn ku saaray kooxda Argentina inaysan tegin dhulka la heysto ee Falastiin, iyagoo sheegay in ciyaar saaxiibtinimo aysan ka dhici karin dhulka xoog lagu heysto oo uu xasuuq ka socdo.

Mid kamid ah Ciyaaryahanada reer Falastiin oo lagu magacaabo Maxamed Khalil oo ay ciidamada Israel dhaawaceen 30kii bishii Maarso isagoo ka qeyb qaadanaya mudaharaadka Gaza ayaa qoraal uu u diray Kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi u sheegay inuusan ciyaartaasi ka qeyb gelin.

Maxamed Khalil ayey ciidamada Israel labada lugood ka toogteen 30kii Maarso, dhaawacaasi culus oo soo gaaray ayaa meesha ka saaray inuu dib danbe u ciyaaro, wuxuuna qoraalka uu u diray ciyaaryahanka Lionel Messi ku sheegay in xulka Argentina iyo waliba Messi taageero badan ku leeyahay Falastiin sidaa darteedna laga rabo inay qaadacaan ciyaartan Israel dooneyso inay ku dul ciyaarto dhulka la heysto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker