Dowladaha Ruushka iyo Imaaraadka Oo Ka Wada Hadlay Awooda Maamul Ee Xeebaha Soomaaliya Iyo Gacanka Carabta.
Dowladaha Ruushka iyo Imaaraadka ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen hardanka loogu jiro awoodda maamulka Xeebaha Bariga Afrika iyo Gacanka Carabta.
Dhaxal sugaha Dubai Maxamed Bin Zayid, ayaa billowgii Bishan waxaa uu maagalada Moscow ee Caasimadda Dalka Ruushka kula kulmay madaxweynaha dalkaas Vladimir Putin.
Qodobada ay isku raaceen waxaa ka mid ah in Ruushka uu sheedda kala socdo awoodda sii kordheysa ee Imaaraadka ku leeyahay Gobolka Bariga Afrika iyo Gacanka Carbeed.
In Imaaraadka oo kaashanaya Ruushka ay saldhigyo Ciidan ku yeeshaan Waddamada Liibiya,Eritrea,Soomaaliya iyo Kurdistaanka Syria.
Wax yaabaha kale ee labada dal madaxdooda ay isla meel dhigeen waxaa ka mid ah in ay mideeyaan siyaasaddooda arrimaha dibadda ee ku wajahan sida loo wajahayo khilaafyada siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo Afrika.
Dalka Ruushka ayaa joogitaan Milatari ku yeelanaya Saldhigyada Imaaraadka ku leeyahay Gacanka Carabta iyo Bariga Afrika, waxaana ay ciidamada Ruushka la soconayaan dhaq dhaqaaqa Ciidamada Mareykanka iyo China ee saldhigyada ku leh dalka Jabuuti.
Dowladda Imaaraadka waxa ay joojisay taageerada ay siin jirtay Mucaaradka Madaxweynaha Syria, waxaana ay u beddeshay in ay ka qeyb qaadato wada hadallo nabadeed oo lagu soo dabbaalo Syria.
Oodweynenews Newsdesk