Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Wayrax Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Taagan Yahay Doorashada Golaha Deegaanka Ee 2019
Hargeysa(OWN)-Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Wayrax oo kamida qurbajooga reer Somaliland ee ku nool dalka Sucuudiga isla markaana kamida Aqoonyahanka reer Somaliland ee dhib iyo dheefba la qaybsada bulshadii ku nool Somaliland gaar ahaan Caasimasa Hargeysa iyo deegaanada ku xeeran ayaa ku dhawaaqay inuu u taagan yahay isla markaasina u tartamaaayo Doorashada Golaha Deegaanka ee 2019 la filaayo inay dalka ka qabsoonto isagoo isla markaasina xusay inuu isu soo taagay kadib markii uu arkay dayaca iyo aradka ka muuqda daryeelka dantii guud iyo baahiyihii bulshada ku dhaqan Caasimada Hargeysa iyo hareeraheeda .
Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Wayrax oo mudo dheer kamid ahaa hogaanka sare ee Haayada Khayriga ah ee Khayre 21 oo ah haayad horumarineed oo ay ku bahoobeen qaar kamida qurbajooga iyo daljooga bulshada Caasimada Hargeysa iyo Agagaarkeeda ayaa waxa uu bulshada Reer Hargeysa usoojeediyey inay u diyaargaroobaan sidii Caasimada Hargeysa looga dhicin lahaa Golahan Deegaanka ee fadhiidka ah ee hagraday dantii guud iyo daryeelkii Bulshada reer Hargeysa.
Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Wayrax ayaa sidoo kale Bulshada reer Hargeysa ku baraarujiyey in doorkan ay Golaha Deegaanka Caasimada usoo xushaa dad tayo leh isla markaana aan usoo shaqo tagine iyaga u shaqeeya,Caqli iyo Cilmi iyo Cuudkii ay ugu shaqayn lahaayeena Haysa