Shir Ka Dhacey Dalka Seychelles Oo Ay Ka Qeyb Gasheen Xeer-illaalinta Somaliland

Xafiiska Xeer illaalinta Guud ee Qaranka JSL waxa uu ka qabtey galey kulan heer caalimi ah oo lagaga hadlayo danbiyada ka dhaca badda gaar ahaan la dagalanka mukhaadaraadka (UNODC’s Indian Ocean Forum on Maritime Crime (prosecutor’s Network) MLA and International Cooperation), oo ka dhacayey dalka Seychelles 28 May 2018 ilaa 01- June- 2018. Kulankaas oo ay isku yimadeen xeer-illaaliyayaal ka kala socdey 8 wadan;

  1. Somaliland;
  2. Seychelles;
  3. Mauritius;
  4. Tanzania;
  5. Kenya;
  6. Comoros;
  7. Madagascar; &

Kulankaas oo ay soo qaban qaabiyey UNODC. Iyada oo goob joogana uu ka ahaa ururka Combined Maritime Force (CMF).

 

 

Ujeedada kulankaas ooo ahaa in lagu lafo-guro danbiyada ka dhaca badda gaar ahaan ka ganacsiga mukhadaraadka iyo habka ay wadamadu iskaga kaashan lahayeen la dagalaanka mukhaadaraadka hadii ay noqoto iska caawinta cadeymaha (Mutual Legal Assistance) iyo isku dhiibista Eedaysanayaasha iyo maxabiista (Extradition and transfer of prisoners).

 

 

Sidoo kalena xeer-illaaliyaashu waxa ay wadagayeen; shuruucda dalalkooda uga yaala la dagaalanka mukhaadaraadka, xeerarka nidaamka dacwadd qaadis, xeerarka dalka iyo kuwa caalimiga ah ee nidaamka u helista iyo dirista waraqaha cadeymo wadaagista ee wadamada shisheeye (letter rogatory). Waxana ay xeer-illaaliyayaashu soo bandhigayeen dacwaddo tusaale fiican u noqonaya arinta la falanqeynayey oo xirfad wadaagis muhim ah aheyd (case studies).

EEG SAWIRADA HOOSE EE KULANKA

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker