RAJADII GOBOLKA IYO RAGAADKA HADA MUUQDAA WAXA AY WER-WER GELINAYAAN MUSTAQBALKA DADKA KU DHAQAN MANDAQADA .

‘’ Waxa la joogaa xiligii aragtida iyo qorshaha siyaasadeed ee mustaqbalka
aynu wax ka badali lahayn ‘’
Gobolkani bariga Africa guud ahaan waxa daashaday dhibaatooyin iyo
colaado soo jireen ah oo ku qotoma waxyaabo ay ka mid yihiin dagaalo qoomiyadeed , dagaalo
xuduudeed , dagaalo diineed (caqiido) iyo dagaalo badan oo dano kale u badan oo ay ka mid
yihiin dagaalka argagixisada ee caalamiga ah oo aduunka oo dhan saameeyey isla markaana ah
dagaal aan xuduud lahayn , farogalinta dawladaha shisheeye iwm.
Waxa aad moodaysay in gobolku u muuqdo mid ka soo raynaya oo isfaham iyo aragti cusubi
imanayso oo umadaha gobolkani ku dhaqani ay soo fahmayaan in loo kaco wado cusub oo ah
wadajir iskaashi iyo wax wadaqabsi lagaga gudbo wax badan oo ragaad ka dhigay gobolka
bariga Africa , gaar ahaan geeska Africa .
Dhacdooyinka soo kordhay ee colaadaha siyaasadeed iyo xuduudeed ee Somalia iyo Kenya ,
dagaalkii Ethiopia ee gobolka tigray , arimaha biyo xidheenka Ethiopia iyo xaaladaha ay wataan
, Ethiopia iyo sudan oo iyaguna ay bari dhawayd ka dhex aloosmeen murano xuduudeed , arinka
ka dhaxaysa Djibouti iyo Erateria oo isaguna wali aan xal loo helin , xaaladaha Somaliland iyo
Somalia , marka aad waxan oo dhan si mug leh ugu fiirsato iyo raadka ay yeelan doonaan waxa
werwer kaa galaya rajada umadaha Alle gobolkani ku abuurey iyo mustaqbalkooga dambe.
Aduunka guud ahaan waxa ku muuqda xulfiyo siyaasadeed oo cusub oo dhamaantood ku
salaysan hadba danaha dawladaha ugu waaweyni leeyihiin iyo sida ay u waajahayaan , gobolkani
waxa uu ka mid yahay meelaha bartilmaameedka u ah aduunka ee aad loo danaynayo , ha
noqoto halka uu ku yaalo , ha noqdo marinada biyood ee muhiimka ah ee uu leeyahay , ha noqoto
dagaalka lagula jiro argagixisada , ha noqoto in gobolkani khayraad badan lagu tuhmayo oo uu
yahay mid dihin , waxa muuqata in indhaha caalamku geeska Africa iyo bariga Africa aad u
danaynayaan .
Waxa sidoo kale muuqda in tartan weyn oo dhaqaale uu aduunka ka socdo oo lagu tartamayo
sidii loo qabsan lahaa suuqa Africa oo ah suuqyada aduunka ugu waaweyn ee dawladaha
caalamka dhaqaalaha iyo wax soosaarka ku tartamaa ay isha ku hayaan , tartankaasi waxa laga
dareemayaa gobolkani oo maraykanka iyo china oo uu ka dhexeeyo xafiiltani wayni ay labaduba
ku sugan yihiin , sidoo kale waxa ku sugan dawlado kale oo aduunka ah oo ay dano badani kaga
xidhan yihiin , qaar kale oo badanina imika la saadaalinayo in ay yimaadaan.
Iyada oo ay socdaan waxani oo hirdano ah oo dhamaan ku wajahan gobolka ayaa dawladaha
gobolkani sii kala fogaanayaan , colaadaha isirka iyo qoomiyadaha ku salaysani sii badanayaan ,
waxaana ay ahayd xiligani goortii loo baahnaa in ay baraarug siyaasiya oo wayni uu ka bilaabmo
dhamaan dadka ka fekeraya rajada guud ee gobolkani , maadaama uu ay umaduhu iyo
dawladuhu yihiin wax isku wada xidhan oo aan kala maarmayn oo horumarka dal gaadho iyo
dhibta dal soo wajahdaa dhamaan inta kalena si toos ah iyo si dadban ba u gaadhi karto .
Waxa la joogaa goortii iyo xiligii la raadin lahaa aragti siyaasadeed oo ka badqabta saameynta
taariikheed ee tabban iyo riiqda ay reebeen waxaa hore ee soo jiray in la helo oo looga gudbo
xaga horumarka iyo iskaashiga umadaha ku dhaqan gobolkani guud ahaan iyada oo laga
faaiideysanayo waxii dhibaatooyin iyo ragaad ku soo dhacay dadka iyo dawladaha ka dhisan
gobolka , waxaana muhiim ah in jiilka cusubi ay u fekeraan sidii gobolkani u noqon lahaa mid ka
aduunka ugu hodansan ee loo soo hiloobo.
Rejada wanaagsan iyo yididiilada mustaqbal ee guud iyo ta gaar ahaaneed ba waxa ay ku xidhan
tahay dadka ku abuuran gobolkani sidii loogu abuuri lahaa hagid iyo hogaamin wanaagsan oo la
iska dhaxlo , taasi oo anfaci doonta boqolaalka qarni ee dambe dadka gobolkani u dhalan doona ,
dhibta iyo wax kasta oo adag oo aad maanta tacab galiso sidii looga gudbi lahaa , waa kayd
wanaagsan oo u yaalla dadka inaga dambeeya.
Halka aynu maanta gondaha iskula jirno oo uu dalba dal iska reebayo , qoomiyadiba qoomiyad
iska ilaalinayso , aragtideena ugu wayni ay tahay sidii nin waliba nin ka xiga iskaga reebi lahaa ,
waana waxa aynu halkan la dhaafi laanahay , muhiimada uma arko in aynu kala guulaysano ee
waxa igala weyn in aynu wada guuleysan karno , oo xataa dadka aduunka guudkiisa ku nool laga
badelo aragtida iyo hab dhaqanka siyaasiga ah ee is muquuninta iyo kala adkaanta ah .
Aduunka waxa la isku dhaafay sidii loo kala hor helay hogaamiyeyaal aragti fog ka leh
mustaqbalka iyo qaar hibo hogaamineed leh oo dadkooda iyo dalalkooda u jiheysa xaga hirku
uga muuqdo ee u baahan in loo hago dadkooga , wallow wax kasta oo cusub ay ku adag tahay
aadamaha hadana waxa lagu gaadhi karaa in aan laga daalin yoolka hogaamin hal abuur leh oo
umadaha gobolka u horseeda barwaawo , horumar , wax wada qabsi iyo meel wanaagsan .
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker