Hayb-Sooc:

Gabyaa Siciid muuse Sheekh madhibaan oo Haybtiisu Hufane Tahay kasoo jeeda Sanaag bari, ayaa waxa Weydiin uu weydiiyey Qoraaga Abdiqadir Aroma (AHN) waxay u dhignayd sidan:
Hadii Hufane degan laas-qorey, Hawraarsame degan geddo, Hawle degan dirir-dhaba, Xoryeel deggan bender-bayla, muuse-dheriyo Deggan Hargiesa, iyo Eeyle deggan Baay sidee bay ku noqon karaan Hal To oo  Qaadhaan- wadaag ah?

Jawaab haboon looma hayo Se waxay u eegtay jawaabtii Siciid muuse  (Eebbow Ajigu goob wada deggay nagu gumeysteen).

Waa kan gabaygii siciid muuse sheekh madhibaan:

-Hadii Eebahay nagu gallado boqolkunoo geella
-Oo guunyada lo’aad iyo Ginni cas naloo dhiibo
-Faras Gaaddo weyn iyo hadii adhi naloo gooyo
-Gidigood gabooye haduu gaar iskugu baydho
-Intaasoo Gamaamudan haduu eebe nagj gaacsho
-Gob inaanu Noqon waan hubaa Guuxa doqomeede
-Gartana guurtidaan noqon lahaa Gollaha waaweyne
-Amarse guulay soo dejoo reerkayaga gaadhay
-Gacan madhan way gooman tahay goor iyo alleyle
-Garbahayga kala goosmay baa guuldaraday keenay
-Garaarsami ma diidani ilaah gogol
dhigiisiiye
-Wax i gubaya guufkaa madow hadal guhaadeede
-Gu’ nin jirey nin wada goostay iyo Gaane iyo sheybe
-Gambooleyda naaguhuna waa nagu Gunuusaane
-Nabsi gudaya Eeboow nasii Oo guriga noo dooji
-Allow guulle noo fidi gargaar samo na gaadhsiiya
-Ummad gacal geesi baanu nahay odaya goolmoone
-Madhibaanka goonyaha dagee kala gawaan raacay
-Muuse dheriyo gacanta labaad gabalba meel aaday
-Iyo gooni daaqoow yibraha Gabalba meel joogo
-Garabkayga Tumaalada dhulkaa Aad u kala Goosmay
-Hawlaha galbeedkaa degay iyo Gobol xeryaaloobay
-Ganka yaxarka Hawraarsamaha geddo ku noolaada
-Ganafaaga Eylaha ee Geel iyo guunyo laga dhaarshay
-Allow guule waa Guutooyinkaas gocashadaydiiye
-Allow guule soo ururiyoo gaar iskugu baydhi
-Allow guule tawfiiq dhex geli garasho waayeel leh
-Allow Guule gaawaha ka madhan malab u soo gaaci
-Allow Guule guufkaa madow naga gobbee maanta.

 

# Cabdirisaaq Darwiish

Xigasho Buuga: Taangiga Tigreega

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker