Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ah.

Qaraxan ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha Ciidamada Isku dhafka ah ee Gobolka Mudug.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay qaraxaasi Ismiidaaminta ah ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxayna wararku sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay dhanka Waqooyi ee Magaalada.

Ciidamada dowladda ayaa tagay goobta qaraxa uu ka dhacay, iyadoo halkaasi laga qaaday dadkii dhaawacyada kala duwanaa uu soo gaaray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker