Faraamjo madaxweynaha koonfurta somaliya waxa uu magac u yaal ka dhigay Raysal wasaare khayre!

Ugu horeyn,waxaan salaamayaa bahada saxaafada ,guud ahaan gaar anaanba”ascw”.

Ka dib waxaan doonayaa in aan qoraalkan, dad badan ugu muujiyo wax aanay wali dareemin balse ay ogaan doonan,inta akhirsataa.
Somaliyada koonfureed waxey dhisteen wax ay ugu yeedhaan dowlada federalka ah oo ah magac iyo waxaan jirin balse ah hadal iyo wax ay iska jeclaysteen aan dhaafsiisnayn. Hadaba waxa ay in mudo ah ku mashquulsanaayeen dowlad leh raysal wasaare iyo madaxweyne macnaheeduna yahey in raysal wasaaruhu yeesho awood fulineed madaxweynahuna ahaado mid umada u dhexeeya.
Waxaad la socotaan in raysal wasaare khayre iyo wasiirkiisii arimaha dibada beryahan danbe aaney ka muuqan siyaasada arimaha dibada ee maamulka muqdisho ka dhisan!
Waxaad arkeysaa farmaajo oo marwalba kalidii diyaarad saaran oo xitaa kaxeysan xubin ka tirsa. Xukumada mr khayre.
Waxa dadka aqliga leh ee wax fahmaaya u muuqda in Farmaajo durba u xuubsiitay in uu dano gaar ah ama kuwo qabiil gaar ah u adeegsado danahii dadkii koonfureed ee dooratay ugana hiilayay dad badan oo markaasi lahaa damac hogaamineed.Waxa muuqata in Farmaajo uu u xuubsiibtay hogaamiye ku noqda ama dib ugu laabta shaadhkii qabyaalada ee Somalida dilay.
Waxa kale oo iska cad in uu maroorsadey awoodahii xukumada khayre ama raysalwasaare ku sheega magac u yaalka ah.
Waxaad arkaysaa isagoo madaxda caalamka ee uu la kulmaayo ku kaliyeysta mana jirto cid og ajandaha iyo ujeedada uu meeshaasi u aado marka laga tagi waayo wax qarsi iyo khiyaano qaran oo qabiil hoosta ku wadata!
Isku soo wada duub oo farmaajo waxa uu maroorsadey awoodii xassan cali khayre iyo xukumadiisa isagaan noqday ,raysal wasaare,wasiir arima dibadeed,madaxweyne iyo waliba barlamaanba.
Qore:Tahir hussein

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker