Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti oo Si Meeqaam Sare ak kusoo dhoweeyay Cawil Cali Ducaale iyo Waran-cadde

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed iyo Meeqaam Sare oo Diblumaasiyadeed Jabuuti kusoo dhoweeyey Siyaasiyiinta Miisanka leh Cawil Cali Ducaale iyo Waran-cadde….

Jabuuti(OWN)-Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa Xalay Jamhuuriyada Jabuuti kusoo dhoweeyey Labada Siyaasi ee Cawil Cali Ducaale iyo Cali Maxamed Waran-cadde, kusoo safar shaqo ku tagay dalka Jabuuti.


labada Siyaasi oo hadda xilal Lataliye u ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi, ayaa u safiirku ku qaabilay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxanu Safiirku ku qaabilay meeqaam Diblumaasiyadeed oo sareeya.
la Taliyaasha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Ambassador Cawil iyo Waran-cadde, ayaa si weyn Safiirka ugu mahadceliyey Wada-shaqaynta wanaagsan ee Somaliland iyo Jabuuti.
Sidoo kale, waxay Safiirka ku boggaadiyeen, dhismaha bilicda sare leh ee Somaliland ee Jabuuti iyo xafiisyada qalabaysan we Xarunta safaaradda Somaliland ee Jabuuti.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker