Hooyo Ilmaheeda la Dardaarmaysa. Waano Waalid Waa Dhaxalgal.

Hooyo wiilkaygii ama gabadhaydiiyey. Hooyo haddaan waynaado oo hadalku i-dhibo,  samir—oo  ha i dhibsan. Waayo anigu ba adoon hadli jirin baan kuu sabri jiraye. Haddaan cuntada cuni waayo haygu qasbin, markaan u baahdo anaa cunaye,  anba kuguma qasbi jirine. Haddaan su’aal kuugu warceliyo si’ deggan iigu jawaab —oo hay dhibsan adiguba waxaad I waydiin jirtay su’aalo badan kumana dhibsan jirine. Waanan kuu sabri jiray. Haddii aan socon kari waayo hay dhibsan—oo ii tartiibi anba saa saan kuugu tartiibin jiraye. Haddii maradaa aan xidhan kari waayo si tartiiba oo naxariis ku jirto iigu xidh. Aniguba kuma dhibsan jirin oo si tartiiba ayaan kuugu xidhi jiree. Haddii suuliga aan tahli waayo, kaadida iyo saxarada iska dhiqi waayo si naxariis leh iiga dhaq. Hana I dhibsan waayo anba kuma dhibsan jirine. Haddii aan hadalada badan iyo su’aalaha soo noqnoqda kugu dhibo hay dhibsan anba kuma dhibsan jirine. Waxaa laga yaabaa in ay khayr badan kuu tahaye. Haddii aan fool  xumaado, ilkuhu iga daataan,  muuqaalkaygu is-beddelo, dhegaha wax ka maqli waayo, indha beelo, lugahu socon waayaan, gacmuhu wax qaban waayaan, carrabku hadalka yareeyo. Maskaxdu isku darsanto. Saxaradu iska daadato. Kaadida tahli waayo. Maradana aan marwalba wasakheeyo.  Hooyo hay dhibsan. Waayo sidan ma ahaan jirin. Xasuus naw inaan ku hayn jiray adoon kaadida iyo saxarada midna iska tiri Karin. Lugo aad ku socoto lahayn. Gacmo aad wax ku qabsato lahayn. Maskax aad wax ku fahantana lahayn. Xasuusnaw in ta aad maanta igu aragtay iyo in ka sii badan in aan kuugu dulqaadan jiray , farxad aan u arkayey waliba aanan maalinna ku dhibsan.

Ugu danbayn hooyo ha noqon waalid caasi, caaq, dhibbadane. Hooyo noqo baarri, waalid addeec saa saad ku liibaanaysaa aakhiro iyo adduunba. Ilaahayaw waalidkeenna u naxriiso aakhiro iyo adduun ba.


Name:  Sadam Osman Mohamed
Phone : 063 4010419
Email: Sadamkabash99@gmail.com
Address : mohamed moge village
Tittle: Biomedical Scientist / Writer

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker